Maraykanka oo Sheegay in Maraakiibtiisu Lacag la’aan ku Mari Doonaan Kanaalka Panama

0
16

Panama ayaa diiday in ay wax ka bedesho si ay maraakiibta dowladda Maraykanka ugu ogolaato in ay si bilaash ah ugu gudbaan kanaalka Panama,kaddib markii Aqalka Cad uu sheegay in uu aqbalay tallaabadaas. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay X in maraakiibteeda dowladda “ay hadda ku sii gudbi karaan Kanaalka Panama lacag la’aan, taas oo u badbaadinaysa dowladda Maraykanka malaayiin doolar sannadkii”.

Maamulka Kanaalka Panama (ACP) Isaga oo ka jawaabaya faallooyinka, waxa uu sheegay in ay laysla meel dhigay in ay dejiyaan lacagaha iyo khidmadaha kale ee ku-meel-gaadhka ah ee kanaalka, laakiin aan wax isbedel ah cidna loo samayn .

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa marar badan ka dhawaajiyay inuu doonayo inuu dib ula wareego gacan ku haynta marin biyoodka oo fure u ah ganacsiga caalamka.

Kanaalka Panama oo dhererkiisu dhan yahay 51-mile (82km) ayaa dhaca badhtamaha Ameerika, waana isku xidhka ugu weyn ee isku xidha badweynta Atlantic iyo Pacific.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Marco Rubio, oo todobaadkan booqasho ku tagay dalalka Latin America, ayaa ka dalbaday Panama inay “isbedel degdeg ah ku sameyso” waxa uu ugu yeedhay “saamaynta iyo xakamaynta ay Shiinaha ku leeyihiin kanaalka.

Diblomaasi sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in Panama ay tahay inay wax ka qabato haddii kale Maraykanku uu qaadi doono tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si uu u ilaaliyo xuquuqdiisa sida uu dhigayo heshiiska labada dal.

Intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay dalka, Rubio wuxuu la kulmay madaxweynaha Panama José Raúl Mulino, iyo sidoo kale maamulaha kanaalka, Ricaurte Vásquez Morales.

ACP ayaa sheegtay booqashadiisa ka dib in ay u gudbisay rabitaankeeda ah in ay la shaqeyso ciidamada badda ee Maraykanka si ay u wanaajiso mudnaanta isu socodka maraakiibtooda ee marinka kanaalka.

Ballanqaadkan wada-hadallada Washington waa uu sii jirayaa, ayay ku sheegtay bayaan gaar ah Arbacadii.

Maraakiibta Maraykanka ayaa qeyb weyn ka ah taraafikada kanaalka. 2024, 52% gaadiidka mara marin biyoodku waxay lahaayeen dekedo ay ka yimaadeen ama ay ku socdeen Maraykanka, sida ay sheegeen maamulka kanaalka.

Ilaa 14,000 oo maraakiib ah ayaa isticmaala kanaalka sanad walba si ay uga fogaadaan safar dheer oo kharash badan leh oo ku wareegsan cidhifka Koonfurta Ameerika.

Khudbadiisii ​​furitaanka, Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in uu qorshaynayo in uu “la soo noqdo” kanaalka, isaga oo ku eedeeyay in Shiinaha uu ka shaqaynayo, isla markaana ay Panamana jebisay ballanqaad ahaa in ay dhexdhexaad ka ahaato siyaasada marinka.

Qorshahan waxaa si adag u diiday Mulino, oo sheegtay in dariiqa ganacsi ee muhiimka ah “uu ku sii jiri doono” gacanta dalka.

Waxa uu sidoo kale diiday eedeymaha Trump ee ku saabsan saameynta Shiinaha, isaga oo sheegay in aaan jirin wax dal ah oo adduunka ka jira oo farageliya maamulkayaga.

Maraykanku waxa uu dhisay kanaalka horraantii Qarnigii 20-aad, balse, sannado badan oo mudaaharaad ah ka dib, Madaxweyne Jimmy Carter waxa uu heshiis la saxeexday Panama 1977-kii si uu si tartiib tartiib ah dib ugu soo celiyo gacan ku haynta marin-biyoodka, kaas oo Trump uu ku tilmaamay “khalad weyn”.