Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa magacaabay gudidda qiimaynta khasaaraha iyo taakulada dabkii Suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu madaxwaynuhu garwaaqsaday in masiibada dabku ay innagu soo noq-noqoto mudooyinkan dambe, dabkaasi oo inta badan ka dhaco goobaha ganacsiga, isla markaana uu khasaare ballaadhan u gaysataa hantida shacabka, nafta aadamaha iyo sida oo kale dhaqaalaha dalka guud ahaan.
Qaab-dhismeedka gudidda heer Qaran ee qiimaynta khasaaraha iyo taakulada dabkii Suuqa Idaacadda ayaa ka kooban xubno golaha wasiiradda ah, Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Maariyka Caasimadda Hargaysa, Garyaqaan Guud ee Xukuumadda iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga.
Gudidda ayaa kala ah sidan:-
- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta:- Guddoomiye.
- Wasiirka W. D/Hoose & Horumarka Magaalooyinka:- Guddoomiye Kuxigeen
- Wasiirka Wasaaradda Ganaciga iyo Dalxiiska:- Xoghaye
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyi gelinta:- Xubin
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga:- Xubin
- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta:- Xubin
- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta:- Xubin
- Duqa Caasimadda Hargeysa:- Xubin
- Garyaqaan Guud ee Xukuumadda:- Xubin
- Taliyaha Ciidanka Dab-demiska:- Xubin
- Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga:- Xubin
Gudidan ayaa shaqada uu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi u igmaday ay ee ay qabanayaan ay noqonaysaa inay:-
- Soo qiimayeeb khasaaraha uu geystay dabkii ka kacay suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa;
- Maamulaan iyo inay Isu-duwidaan hawlaha gurmadka ah ee lagu taakulaynayo dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay dabkaasi;
- Ka soo tala bixiyaan waxyaabaha keena iyo xal u helidda masiibada dabka, si looga hortago inay masiibadaasi mar dambe waxyeelo u gaysato nafaha iyo hantida dadka shacabka ah ee reer Somaliland;
Gebo’gabadii Madaxwaynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa faray gudidda in ay hawshaasi u gudataan si mug iyo miisaan leh, waxaa kale oo uu madaxwaynuhu faray Hay’adaha kale ee Dawladda, Gaanacsatada iyo qeybaha kale ee bulshadu inay la shaqeeyaan Guddigan heer qaran, kana gacan siiyaan hawlaha ay uga baahdaan.