Wasaaradda Maaliyadda JSL oo Abaalmarisay shaqaalahii ugu Wanaagsanaa sanadkii 2024

0
17

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda ayaa abaal-marisay shaqaalahii ugu wanaagsanaa sannadkii dhammaaday ee 2024-ka.

Munaaisbad si weyn loo soo agaasimay oo masuuliyiniinta Maaliyadda, shaqaalaha iyo martisharaf kale ka soo qeyb-galeen ayaa si weyn loogu ammaanay hawlwadeenadii abaalmarinta la siiyey, kuwa kalena kula dardaarmay inay sii kordhiyaan dedaaladooda.

Md. Maxamed Axmed Wayrax, Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in dedaalada shaqaalaha Maaliyaddu suurtagelisay in shaqada dawladu si habsami ah u socoto.

“Shaqaalaha la abaal-marinayaa caawa, waa kuwa suurto-galiya in bil walba la bixiyo mushaharka Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamada kala duwan ee Qaranka”.

Md. Maxamed Xasan Saleebaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey shaqaalaha abaalmarinta la siiyey, kuwa kalena fariin u diray,

“Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu wey wada mudanyihiin in abaal-marin la wada siiyo, laakiin suurtogal taasi inooma wada aha, shaqaalaha Wasaaraddu waa kuwo goor kasta shaqo ku jira, goob kasta oo Dalka ahna ka hawlgala”.

Gud. Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Md. Cabdicasiis Xirsi Warsame oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda muhiim tahay in sannad walba la qiimeeyo, waxaanu yidhi,

“Sida uu jidaynayo Xeerka Shaqaalaha Dawladdu waa in qof kasta oo shaqaale Dawladdeed ah sanadkiiba hal mar la qiimeeyo, Wasaaradda Maaliyaddu wey ka soo baxday qodobkaa, tixgalinteedana wey leedahay”.

Md. Cabdullaahi Xasan Aaden, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo munaasibadda hadal ka jeeediyey ayaa sheegay inay horumarin doonaan aqoonta shaqaalaha,

“Waxa aanu ka maamul ahaaan ku dedaali doonaa sidii aanu u horumarin lahayn Shaqaale-weynaha Wasaaradda, uuguna cadaalad samayn lahayn”.