Qore Daahir Cabdi Ciise
Horumarka Kaabayaasha Waddooyinka
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cismaan Afgaab Nuur, ayaa noqday mid ka mid ah masuuliyiinta ugu dadaalka badan xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxa uu si hagar la’aan ah uga shaqeynayaa hirgelinta ballanqaadyadii doorashada, gaar ahaan dhismaha iyo dayactirka waddooyinka dalka. Dadaalkiisa ayaa muujinaya inuu yahay masuul karti iyo hufnaan leh, islamarkaana ku talogalay fulinta himilooyinka xukuumadda.
Kormeerkii Wakaaladda Madbacadda Qaranka
Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cismaan Afgaab Nuur, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Wakaaladda Madbacadda Qaranka si uu u qiimeeyo awoodda daabacaadeed ee wakaaladda. Waxa uu si qoto dheer u eegay xarumaha kala duwan ee madbacadda, isagoo la kulmay masuuliyiinta madabacadda Qaranka si uu u fahmo caqabadaha iyo fursadaha horumarineed ee wakaaladda.
Booqashadiisa ayaa xaqiijisay in Wakaaladda Madbacadda Qaranku leedahay awood buuxda oo ay ku dabooli karto baahiyaha daabacaadeed ee dowladda iyo hay’adaha kale. Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagay xafiisyada iyo mishiinada madbacadda, halkaas oo uu indhihiisa ku arkay horumarka ay gaadhay wakaaladdu. Waxa uu sheegay in wakaaladdu si rasmi ah u leedahay awood ay ku dabacdo dhammaan baahiyaha qaranka, taas oo meesha ka saaraysa fikirkii hore ee ahaa in wakaaladdu aysan lahayn awood daabacaadeed.
Dib-u-Eegista Xukuumadda ee Arrimaha Daabacaadda
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu dib u eegis ku samayn doonto daabacaaddii ay haysteen shirkadaha gaarka loo leeyahay, si loo xaqiijiyo in Wakaaladda Madbacadda Qaranku hesho xuquuqdeeda dhabta ah. Wakaaladdu muddo dheer ayay dadaal ugu jirtay sidii ay u heli lahayd daabacaadda rasmiga ah ee dowladda oo si khaldan looga leexiyey. Xukuumadda Madaxweyne Cirro ayaa ka go’an inay xaqiijiso in wakaaladdu hesho horumar balaadhan
iyo isku filnaansho dhab ah.
Awoodaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka
* Wakaaladdu waxay awood buuxda u leedahay dhammaan daabacaadda dowladda iyo hay’adaha kale ee qaranka.
* Waxay leedahay shaqaale xirfad sare leh oo awood u leh daabacaadda noocyada kala duwan ee qaranka iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
* Waa hay’adda kaliya ee si rasmi ah loogu aamini karo daabacaadda dokumentiyada qaranka ee muhiimka ah.
Filashada Xukuumadda Cusub ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka
Xukuumadda Madaxweyne Cirro waxay wax laga filanayaa dib-u-habeyn ballaadhan oo lagu horumarinayo Wakaaladda Madbacadda Qaranka samayandoonto Waxaa la filayaa:
* In la sameeyo isbeddello waa weyn oo wakaaladdu u baahan tahay.
* In si dhow loola socdo talaabooyinka horumarineed ee wakaaladda.
* In la maalgeliyo wakaaladda si ay u hesho qalab casri ah iyo horumarin ballaadhan.
* In xirfadaha shaqaalaha sare loo qaaddo baahiyaha wakaaladda iyo sida loo horumarin karo dhamaan waaxyaheedà kala gadisan
Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa muujisay dadaal cad oo ay ku horumarinayso hay’adaha muhiimka ah ee qaranka,
Wax qoray:Madaxa Hawlgalinta wakaalladda madbacadda Qaranka.
Daahir Cabdi Ciise
[Daahir Camey]