Xildhibaan Baarlamaanka UK ah oo Dawlada Soomaaliya Ku Eedeeyay Inay Al-Shabaab Maalgeliso

0
13

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Gavin Williamson, oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay maalgeliso kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, isaga oo sidoo kale ugu baaqay Mareykanka inuu Somaliland aqoonsado.

Xildhibaanka oo si weyn u taageeray go’aanka Mareykanka ee lagu hakiyey dhaqaalahii hay’adda weyn ee USAID, oo Washington u qaabilsanayd arrimaha bani’aadamnimada, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hay’adda u adeegsan jirtay sidii ay dhaqaale ugu gudbin lahayd kooxda Al-Shabaab.

“Hay’adda USAID waxa adeegsan jirtay dowladda Soomaaliya si ay lacag iyo taageero ugu dirto Al-Shabaab. Waxa la joogaa xilligii la joojin lahaa in lacagta cashuur-bixiyayaasha Mareykanka lagu taageero dawladda argagixisada taageerta,” ayuu Gavin ku yidhi bartiisa X.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu dawladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay taageero ciidan iyo mid dhaqaale siiso kooxda Xuutiyiinta Yemen. “Soomaaliya, iyada oo adeegsanaysa Al-Shabaab, waxay kharash iyo saanad ciidan u dirtaa kooxda Xuutiyiinta. Trump wuu ku saxnaa duqeymaha uu Soomaaliya ka fuliyay,” ayuu yidhi.

Ugu dambeyn, xildhibaanka ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu baaqay inuu aqoonsado Somaliland, oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah meelaha ugu dimuqraadisan gobolka. “Aqoonso Somaliland, oo ah dalka ugu dimuqraadisan gobolka, oo jooji maalgelinta Mareykanka ee Muqdisho, oo taageerta argagixisada,” ayuu yidhi.
Gavin Williamson ayaa ka mid ah xildhibaanada sida weyn ugu ololeeya aqoonsiga Somaliland, isagoo marar badan golaha Baarlamaanka UK horgeeyay dooddo la xidhiidha arrintaas.