Maalin kasta qoyskeedaย waxay u diyaarin jirtay quraacda subxanimo. Maalin ayay samaysay xabado roodhi dheeraad ah. Waxay saartay daaqada gurigeeda si uu miskiin baahina uga qaato. Sidaasi ayay markii danbe caado ka dhigatay maalin kasta.
Laakiin maalin kasta waxa qaadan jiray miskiin aad u baahan oo naafo ah isla markaana tuur lahaa. Marka uu qaato ayuu haddana erayo aan wanaagsanayn odhan jiray.ย Gabadha ayaa aad u dhibsatay hadalada xun ee ninkan miskiinka ah ee ay wanaagga u samaysay ku dhaleecaynayo.
Maalintii danbe waxay goosatay inay sun u mariso Roodhida ay siiso si uu u dhinto. Markiiba sun ayay u marisay laakiin markii ay is tidhi saar daaqada ayay haddana xusuusatay Allah (sw) oo toobada keentay oo ay roodhidii sunta lahayd gubtay. Ka dibna waxay u saartay mid aad uga waangsan tii ay hore ugu dhigi jiray, iyadoo ka muroognaysa waxay samaysay.
Maalintii ay sidaasi samaysay ayaa galabnimadii albaabkii gurigeeda lagu garaacay, Waxaana jiray wiil ay dhashay oo ka maqnaa oo ay ugu muroogan jirtay.
Markii ay furtay waxay la kulantay wiilkeedii maqanaa oo hortaagan albaabka oo ay ka muuqato diif aad u daran laakiin roodhi gacanta ku haysta, gaajada haysa awgeedna cunaya.
Markii ay gudaha guriga soo gelisay ee ay waraystay waxaa uu ku yidhi :โ Haddii hooyo aanu nin miskiin ah oo tuur lihi i siin roodhidan mabaan soo gaadheen halkanโ. Way dhadhimisay mise waa tii ay diyaarisay. Waxay xusuusatay in haddii ay u dhigi lahayd roodhidii sunta lahayd uu wiilkeeduย noqon lahaa kan cuna ee ku dhinta. Weligaa wanaagga ka sheqee.. Iska jir dhibaatada iyo waxyeelada dadka baahan, waayo ma ogida wanaagga adigu aad ka helayso. Dadka waxba ha kaalmayn oo caawin laakiin waa inaad ka ilaaliso dhibtaada.