Daraasad ay samaysay jaamcadda Syney ee dalka Austerlia ayay ku cadaysay in isticmaalka faraha badan ee telephonka uu kor u qaado xanuunka Kansarka ah ee ku dhaca maskaxda.
Daraasaddan oo lagu daabacay warageyska Cancer Epidemiology aya sheegtay in daraasada la soo saaray 2014 , oo lagu baadhay dad ku dhow 86000 qof ay muujisay sida uu halis ugu yahay isticmaalka badan ee telephonku maskaxda qofka.
Sayniyahanada ayaa sheegay in dadka qaba xanuunka kanasarka maskaxda uu ku badan yahay dadka da’doodu gaadhay 70 sano. Khubaradan ayaa sheegay in xanuunkani aanu lahayn inta badan dawo si rasmi ah loo siiyo bukaanka. Waxaana ay sheegeen in mudadii ay soo bateen telefoonada gacanta oo isticmaalkoodu aad dunida ugu baahay uu dhinaca kale aad u kordhay xanuunka Kansarak ee ku dhaca maskaxda.