Kuuriyada Waqooyi ayaa Sabtidii sheegtay in hubkeeda Nukliyeerka ah aan loogu talagalin wada xaajood balse uu yahay mid loogu talagalay in lagula dagaalamo cadawga khatarta ku ah dadkeeda iyo nabadda adduunka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Hadalkan ayaa imanaya kadib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Aqalka Cad ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Japan Shigeru Ishiba Jimcihii. Labada hogaamiye ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in Kuuriyada Waqooyi ay soo afjarto barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.
KCNA ma aaanay soo hadal qaadin kulanka dhexmaray hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Japan balse taa bedelkeeda waxay soo xigatay hadaladii laga soo wariyay saraakiisha NATO iyo Midowga Yurub oo ku celceliyay dalabaadka ah in gabi ahaanba laga saaro Kuuriyada Waqooyi.
“Waxaan sidan si cad u leenahay mar kale: Hubkeena nukliyeerka ma ahan xayeysiis si aan u helno aqoonsiga qof kasta iyo xitaa in yar oo gorgortan ah oo lagu beddelanayo xoogaa lacag ah,” KCNA ayaa ku tidhi hadal ay soo saartay.
“Ciidankeena Nukliyeerka waxa ay u isticmaalayaan dagaal aan kala go’ lahayn si ay si deg deg ah u baabi’iyaan isku dayo kasta oo ay sameeyaan ciidamada cadawgu ee ku xad-gudbaya madax-banaanida dalkeena iyo badbaadada dadkeena khatarna ku ah nabada aduunka,” ayaa lagu yidhi.
Kuuriyada Waqooyi ayaan si toos ah uga jawaabin hadalka ka soo yeedhay Trump ee ahaa in ay dib u soo celiyaan xidhiidhkii ay la lahaayeen hogaamiyahooda Kim Jong Un, taa bedelkeedana waxa ay carabka ku adkeeyeen in ay doonayaan in ay “xoojiyaan” ciidamadooda nukliyeerka.
Trump ayaa Jimcihii sheegay “in uu xidhiidh la yeelan doono Kuuriyada Waqooyi iyo Kim Jong Un,” isaga oo intaas ku daray inuu xidhiidh wanaagsan la leeyahay Kim. Labaduba waxay yeesheen shirar madaxeed aan hore loo arag intii lagu jiray madaxwaynihii ugu horreeyay ee Trump.
20-kii Jannaayo markii loo caleema-saaray xilka labaad, Trump wuxuu sheegay in Waqooyiga ay tahay “awoodda Nukliyeerka”, taas oo keentay su’aal ah inuu sii wadi doono wadahadallada dhimista hubka halkii uu ka noqon lahaa gorgortanka baabi’inta hubka nukliyeerka.
“Labada hogaamiye waxay muujiyeen walaaca xoogan ee ay ka qabaan iyo baahida loo qabo in wax laga qabto barnaamijka Nukliyeerka iyo Gantaalada ee Kuuriyada Waqooyi, waxayna dib u xaqiijiyeen go’aankooda ku aadan in gabi ahaanba laga saaro Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Trump iyo Ishiba wadahadalkooda kadib.