Basaaska laba wejiilaha ahaa ee Eddie Chapman wuxu ku dhashay dalka Ingiriiska sanadkii 1914. Aabihii wuxu aha farsamo yaqaan ka tirsan ciidamada Badda ee Marinska Ingiriiska, Chapman wuxu ahaa wiilka ugu weyn sadexda caruurta ah ee ay walaalaha yihiin. Yaraantiisii wuxu caan ku ahaa sida uu waalidkii ugu dhega adkaa isagoo dugsiga ka jeclaa inuu tago Filimada. Dugsiga dhexdiisa wuxu ka samayn jiray rebeshado is daba joog ah si looga eryo oo uu ciyaar tago ama filimka u daawasho tago, ama dabaasha xeebta oo uu aad u jeclaa.
Markii daโdiisu gaadhay 17 sano ayuu ku biiray guutada labaad ee ilaalada ciidanka lugta ee Ingriiska ee Coldstrean waxaana uu ka mid noqday ilaalada Towerka London. Chapman aad ayuu u xiiseeyay shaqadan iyo dirayskii uu xidhay markii hore laakiin haddana muddo kooban ka dib waxay noqotay shaqo uu nacay oo uu ka caajisay waayo wuxu ahaa nin wakhtigiisa badankiisa ku qaadan jiray rebeshad iyo xorriyad uu sameeyo wuxu doono oo aan xad lahay, waxaana cidhiidhi ku noqday amaradii anshaxa ahaa ee ciidanka dhexdiisa lagu siin jiray.
Markii uu sagaal bilood oo keliya shaqaynayay ayuu sarakiisha ciidanka weydiistay fasax dhan lix maalmood in la siiyo waana loo ogolaaday. Markii fasax qaatayba waxa uu tegay deegaanka Soho oo ku yaallaย badhtamaha Lonodn oo ah goob dalxiiska iyo tamashlaha caan ku ah, halkaasi ayuu iska joogay oo gabadh ay is barteen ku guursaday. Laba bilood ka dib ayay ciidanku soo qabteen waxaana lagu xidhay jeel militarigu leeyahay oo uu ku xidhnaa muddo 84 maalmood, madaama uu shaqadiisa ciidan ka baxsaday.
Jeelkan ayaa laga sii daayay markii xanuun aan ciidanka u wanaagsanyan lagu arkay wakhtigaasi wuxu dib ugu soo noqday deegaanka Soho isagoo gabadhiisa wakhti la qaatay.ย ย Wuxu ahaa shakhsi aan dhisnayn oo dakhligiisa ugu badan ee uu ku xisaabtama yahay lacagta uu ย Khamaarka ka helo, waxaana uu caan ku ahaa ciyaaraha khamaarka, taasi aya ku keentay inuu sameeyo musuq, tuugo , waxaana ay keentay in sharciga loo gubdiyo. Arimahan markii lagu helayna wuxu lagu xidhay jeelka rayidkaโฆ.