Qore Khadar M .Xaashi
Baligubadle (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sirasmiya u dhagax-dhigey bilowga jidka isku xidha Hargeysa iyo Baligubadle. Waxaanu madaxweynuhu ballan-qaaday in uu jidkaasi dhammaystiri-doono qiimo kasta oo uu ku kacayo hirgelintiisu.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu xusay in sababta uu ku doortay safarkiisa kowaad inuu ka bilaabo gobolka Hawd, ay tahay ka dhabeynta ballanqaadkii xukuumaddiisa ee Wadajir iyo waxqabad ee 100-ka cisho ee ugu horreeya ee ahayd dhismaha jidka magaalooyinka Hargeysa iyo Baligubadle.
Geesta kale madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhismaha jidkani wax weyn ka tari doono horumarinta adeegyada ganacsiga ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu intaas ku daray in ay soo koobi doonto mastaafadii lagu tagi jiray Magaalada Baligubadle, sidoo kale ay beekhamin doonto Shidaalkii iyo burburkii soo gaadhayay gaadiidka.
Waxa kale oo uu sheegay in dhismaha jidadku ay qayb Libaax leh ka qaataan koboca magaalooyinka iyo horumarka dhaqaale ee bulshada. Waxaanu yidhi “Maanta, waxa aan Gobolka Hawd u doortay in aan ka bilaabo safarkaygii koowaad ee dalka gudihiisa iyo dhagax dhigga dhamaystirka dhismaha wadada muhiimka ah ee Hargeisa-Balligubadleh oo ka mid ahaa ballan qaadayadii xukuumadayda Wadajir iyo Waxqabad ee boqolka maalmood ee ugu horeeyaa muddo xileedkeeda.
ILLAAHEY baan ugu mahad naqayaa inuu fulo balan qaadkaasi. Gobolka Hawd waa xaruntii iyo Hooyadii halganka, maantana waxa aan rabaa inay astaan u noqoto midnimada iyo wadajirka shacbiga Reer Somaliland.
Kaabayaasha ay jidadku ka mid ka yihiin waa seeska ugu muhiimsan ee uu horumarku ka bilowdo, waxaana ay hormuud u yihiin koboca magaalooyinka iyo horumarka dhaqaale ee bulshada.
Sidaas awgeed, sida aannu horeba u ballan-qaadnay waxa aannu ahmiyad weyn siin doonaa dhismaha Waddooyinka Dalka, gaar ahaan kuwa muhiimka ah ee isku xidha ilaha dhaqaalaha iyo magaalooyinka.
Waddadanina faa’idooyin aan la soo koobi karin ayey u leedahay gobolka Hawd, caasimadda Hargeysa iyo xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya
Wadadanina Waxay yarayn doontaa waqtigii isu socodka Hargeisa iyo Balligabadle, kharashkii gaadiidka, haday noqoto shidaal iyo dayactirba.
Waxaa fududaan doona isu socodka badeecadaha iyo adeegga suuqyada Hargeysa ka imanaya iyo waxsoosaarka uu gobolku suuqa Hargeysa geynayo, taas oo kobcinaysa ganacsiga magaalada Baligubadle, shaqo abuurka, iyo gaadhitaanka adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo fursadaha dhaqaale ee caasimadda yaalla.”
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa masuuliyiinta, ganacsatada iyo bulshada gobolka Hawd sigaara u faray inay xil weyn iska saaraan ilaalinta mashaariicaha ka socda degaanadaasi ee jidkani ugu horeeyo.
Waxaanu yidhi. Hoggaamiyeyaasha bulshada ee deegaannada ay mashaariicda horumarintu ka socoto, ganacsatada, iyo muwaadiniinta oo dhanba, waxaan ugu baaqayaa in ay taageeraan, isla markaana ilaashadaan mashaariicda horumarineed ee deegaannadooda ka socda ee ay waddadani ka midka tahay.
Waxaan si aad ah idiinku adkaynayaa ilaalinta bad-qabka waddo-marista gaadiidka. Shilalka gaadiidku aad bay inoogu badan yihiin, dhalinyarada gaadiidka wadata ee xawliga ku kaxaysa, , wadayaasha gaadiidka dadweynaha iyi xamuulkaba waxaan ugu baaqayaa in ay xil iska saaraan ilaalinta nafahooda , bad qabka iyo badbaadada bulshadoodaba.
Hay’adaha xukuumadda ee shaqadan u xil-saaran, waxaan farayaa in ay xoogga saaraan horumarinta iyo ilaalinta shuruucda wado-marista, la socoshada bad-qabka gaadiidka, hubinta iyo adkeynta rukhsadda wadista gaadiidka.
Waddadani qiime weyn ayey u leedahay isu-socodka iyo xoojinta xidhiidhka dadka walaalaha ah ee ku nool labada dhinac ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya. Taasoo wax weyn ka tari karta is-dhexgalka, iyo koboca dhaqaalaha iyo nabadgelyada labada dal ee walaalaha ah.”
Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ka xukuumad ahaan ay xooga saari doonaan horumarinta mashaariicda hadba inta u suuragasha.
Waxaanu yidhi. “Xukuumaddaydu waxay xoogga saari doontaa mashaariicda horumarinta hadba intii inoo suurtagasha, annaga oo xil iska saari doonna inay gobollada iyo deegaannada dalka si siman u wada gaadhaan.”
Gaba-gabadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa uu sheegay in dhagax-dhiga dhismaha Jidka Hageysa iyo Baligubadle uu ka mid yahay balanqaadyadii xukuumadda talada dalka haysa ee xilligii ololaha doorashooyinka.
Waxaanu yidhi “Maanta waxa aan dhagax dhigayaa dhamaystirka dhismaha wadada muhiimka ah ee Hargeisa-Balligubadleh oo ka mid ahaa ballan qaadayadii xukuumadayda Wadajir iyo Waxqabad ee boqolka maalmood ee ugu horeeyaa muddo xileedkeeda”