“Waddada Balligubadle Waxay ka Mid Tahay Wadooyinka Halbawlaha u ah Qaranka” Gudoomiye WADDANI

0
29

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Balli-gubadle (Dawan) Gudoomiyaha Xisbil xaakimka Waddani Mudane Xirsi Cali Xaai Xasan ayaa bogaadiyay bilawga dhismaha jidka muhiimka ah ee isku xidhay Hargaysa iyo Balli-gubadle, waxaanu tilmaamay in hjidkani yahay jidadka halbawlaha ee dalka.

Gudoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayay munaasibada dhagax dhiga jidka isku xidha Hargaysa iyo Balli-gubadle ayaa ku dheeraaday muhiimada ayay jidadku u leeyihiin dalka, waxaanu xusay in jidkani ahaa mid ka dhiman isku xidhka Caasimadda iyo Balli-gubadle, kaasi oo ka qayb qaadanaya kor u qaadista dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada waxaanu sheegay

“ Isku xidhka shabakada wadooyinku, waa shayga koowaad marka dhaqaalihii, isku xidhkii dalka iyo nabadgelyadda dhamaan waa shayga halbawlaha u ah, marka laga tago dhaqaalaha nabadgelyadda halbawle ayuu u yahay oo meesha wado leh in kooban baa gurmadku isku gaadhaa oo nabadgelyadda lagu sugi karaa.

Wadadan Balli-gubadlena waxay ka mid tahay wadooyinka halbawlaha u ah dalka, iyaga oo jidadku u kala mudan shaqada ay qabanayaan, wadooyinka gobollada isku xidha, wadooyinka isku xidhaya degmooyinku waa muhiim iyaguna, wadooyinka isku xidhaya meelaha dhaqaalaha iyo kuwa dalalka kale inagu xidhaya aad bay iyaguna muhiim u yihiin”.

Geesta kale gudoomiyaha xibiga Waddani ayaa guul ku tilmaamay in afartii degmo ee gobolka Maroodi Jeex ay caasimadda ku xidhmaan oo Jidka Balli-gubadle uu noqonayo kii u danbeeyay eek u xidhma caasimadda.

Haddii la eego wadadan Balli-gubadle waxay gobolka Maroodi Jeex u tahay farxad wayn, waxay ahayd degmadii u danbaysay ee ku soo xidhanta marka xaga degmooyin ka laga eego caasimadda, gobolka Maroodi Jeexna wuxu noqon doonaa gobolka keliya ee afartiisa degmo ku wada xidhan yihiin”.

Gunaanadkii gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa u soo jeediyay masuuliyiinta gacanta ku haya dhismaha jidkan inay u dhabar adaygaan, masuuliyadna iska saaraan dhismihiisa, sidoo kale waxa uu bulshada Balli-gubadle u soo jeediyay inay la shaqeeyaan masuuliyiinta ka shaqaynaya, gacana ka siiyaan wax kasta oo ay uga baahdaan siu u jidkaasi u midho dhalo.