Tobaneeyo waddan ayaa “taageero aan kala go’a lahayn” u muujiyay maxkamadda dambiyada caalamiga ah (ICC) kaddib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday awoodeeda isla markaana uu cunaqabateyn ku soo rogay shaqaalaheeda.
Inta badan wadamada xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan UK, Germany iyo France, ayaa sheegay in maxkamada ICC ay tahay tiir muhiim u ah nidaamka cadaalada caalamiga ah. Trump ayaa cunaqabateyntan ku dhawaaqay ka dib markii uu martigeliyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo booqda tan iyo markii uu xukunka ku soo noqday.
Sannadkii hore, ICC ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu oo loo haysto dambiyo dagaal oo Gaza ka dhacay balse Isreal ayaa diiday – iyo sidoo kale taliye ka tirsan Xamaas. Maraykanka ayaa dhaleeceeyay maxkamadda.
Maraykanka iyo Israa’iil ma aqoonsana awoodda ICC, oo ah maxkamadda kaliya ee caalami ah ee leh awood ay ku dacweyso shakhsiyaadka xasuuqa, dembiyada ka dhanka ah aadanaha iyo dembiyada dagaalka. Waxay sidoo kale hore u bilowday baadhitaanno lagu sameynayo muwaadiniinta Maraykanka.
ICC waxa u tirsan 125 wadan oo aduunka oo dhan oo xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan UK iyo wadamo badan oo Yurub ah.
UK, France iyo Germany ayaa ka mid ahaa 79-ka saxeexayaasha bayaan wadajir ah oo Jimcihii lasoo saaray si ay u cambaareeyaan amarka fulinta ee Trump. Australia, Czech Republic, Hungary iyo Italy ayaa ka mid ahaa kuwa ka muquurtay.
Horaantii Jimcihii, ICC waxay ugu yeedhay wadamada xubnaha ka ah iyo bulshada rayidka ah ee caalamiga ah inay “u midoobaan cadaaladda iyo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha.”
Waxay ballan qaaday inay sii wadi doonto “bixinta caddaaladda iyo rajada malaayiinta dhibanayaasha aan waxba galabsan ee lagu xadgudubyada adduunka oo dhan”.
Maxkamada ICC ayaa sanadkii hore soo saartay amar lagu soo xidhayo hogaamiyayaasha Israa’iil ee xulafada la ah Maraykanka iyo taliye Xamaas ka tirsan, sababo la xidhiidha dagaalka Gaza.
Dacwad oogayaasha ICC ayaa sheegay inay jiraan “sababo macquul ah” oo lagu soo jeedinayo Netanyahu, wasiirkiisii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant, iyo Hamas Mohammed Deif – oo la dilay sannadkii hore – inay qaadaan “mas’uuliyadda dembiyada dagaal ee lagu eedeeyay iyo dembiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada”.
Laakiin qoraal Aqalka Cad ah oo la faafiyey maalintii Khamiista ayaa maxkamadda ICC ku eedaysay inay abuurayso waxay ku sheegeen “ceeb anshaxa” iyaga oo Xamaas iyo Israa’iil isku mid ka dhigay.
Amarka Trump ayaa lagu sheegay in falkii ugu dambeeyay ee maxkamadda ICC uu u muudo tusaale khatar ah oo ku ku xad-gudbi doonaan madax-banaanida Maraykanka. Waxay ku doodeen in ICC ay wiiqayso shaqada amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Washington iyo xulafadeeda.
Amarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maraykanka iyo Israa’iil ay yihiin kuwo horumarsan oo dimuqraadi ah oo leh ciidamo si adag u hoggaansamaya shuruucda dagaalka.
Cunaqabateynta ayaa lagu dhawaaqay xilli Netanyahu uu booqasho ku joogay Washington.
Liiska shaqsiyaadka ay saameysay cunaqabatayntu wali lama shaacin, balse cunaqabateynta ayaa laga yaabaa in lagu beegsado dadka ka shaqeeya baadhitaanada ICC. Xayiraadaha waxaa ka mid noqon kara xayiraad dhaqaale iyo fiisaha oo la saaray shakhsiyaadka iyo qoysaskooda.
Hawlaha farsamada iyo IT-ga ee maxkamadda oo ay ku jiraan cadaymo ururin ayaa la beegsanayaa- sidoo kale waa la saameeyaa. Kormeerayaasha ayaa ka dhawaajiyay cabsi laga qabo in dhibanayaasha xadgudubyada lagu khasbo in ay ka waaban karaan inay marag furaan.
Madaxa dacwad oogaha daah-furka maxkamadda ayaa BBC-da u sheegay sida ay caalamka intiisa kale uga jawaabi doonaan ay muhiimad leedahay.
Diidmada Trump ee ugu dambeeyay ayaa daba socday markii uu ku dhawaaqay qorshe ah in Maraykanku uu kula wareego Gaza , kana dhigayo Riviera Bariga Dhexe. (meel dalxiis).
Ka dib markii madaxda Carabta iyo Qaramada Midoobay ay cambaareeyeen fikradda, madaxweynaha Mareykanka wuxuu ku celiyay bartiisa bulshada ee Runta Khamiista.
Sanadihii la soo dhaafay, maxkamaddu waxay soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine, hoggaamiyeyaasha Taliban oo “silciyey gabdhaha iyo haweenka Afgaanistaan” iyo hoggaamiyaha militariga Myanmar oo dambiyo ka dhan ah Muslimiinta Rohingya.