Dunida oo dhan waxaa sanadahan danbe si weyn loo hadal hayaa dhibaatooyinka ka dhashay ama saamaynta ay nolosha bini’aadamka ku yeelatay isbedelka cimiladda oo noqotay aafo caalamka intiisa badan wada saamaysay.
Waxyaabaha dhibaatadda keenay ayaa la tilmaamaa in ay ka mid tahay wershadah Qiiqa suntan ah ee Carbon-ka hwada sare ku sii daaya, taasoo keentay in waxyeeladaasi ay xataa saamaynteedu gaadhay nooleyaasha kala gedisan iyo dhirtaba.
Dhirta oo caalamka ku yaraatay kana sii dabar-go’aysa ayaa la sheegaa in ay iyadna qayb ka noqotay kulaylka xad dhaafka ah ee caalamka waayadan danbe ka taagan.
Somaliland oo ka mid ah wadamada Geeska Afrika ku yaala ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay wadamada aanay sida caadiga ah ka bixin dhir aad u fara badan, isla markaana ay culimadda juquraafigu ku tilmaamaam saxare-la-moodka Geeska Afrika.
Sidoo kale waxyaabaha hoos u dhigay ama yareeyay dhirtii dabiiciga ahayd ee ka bixi jirtay dalkeenan jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka mid ah abaaraha soo noq noqday iyo xaalufka ku dhacay deegaanka ee ay dadkeenu sababeen.
Waxyaabaha xaalufiyay deegaankeena ama dhir ayraanta ku keenay waxaa ka mid ah in si xawli ah ay goboladda dalka uga socoto Dhuxulaysiga oo ka mid ah dhibaatooyinka aadka u daran ee haysta dhirteena, taasoo sababtay sanad kasta dalkeena la jaro malaayiin dhir ah.
Si hadaba dhibaatadaasi wax looga qabto, isla markaana loo hello bedelka dhirta sida arxandarada ah loo jarayo ee dhuxusha laga shido ee dalkeena ayaa wasaaradda deegaanka iyo isbedelak cimiladda Somaliland waxay bilawday qorshe la doonayo in u dhirayn dalka lagaga fuliyo.
Hadaba qaybta koowaad ee qormadeena todobaadka ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda deegaanka Somaliland oo qorshaynaysa in dhawaan dalka ka hirgeliso mashruuc la doonayo in dalka lagaga beero geedo badan.
Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa wadda qorshe ay ku doonayso in lagubeero sanadkan dhir gaadhaysa 3 milyan oo geed oo noocyo kala gedisan ah.
Sidaasina waxaa lagu sheegay shir Isniintii todobaadkii hore ka qabsoomay xarunta dhexe ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL.
Kulankaasi ayaa gogol xaadh u ah shirka Qorsheynta Beerista dhir aad u tiro oo gaadhaysa3 Milyan oo geed oo dhici doona badhtamaha Bishan, taasoo noqonaysa markii u horaysay oo tiro geedo ah oo sidan ay beerayso wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.
Kulankan oo uu hogaaminayey wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), oo ay weheliyaan wasiir ku-xigeenka wasaaradda Dr. Maxamed Aw Daahir, Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Cabdi Cali Mahdi.
Sidoo kale waxaa kulankaasi goob joog ka ahaa Agaasimeyaasha Waaxyaha Dhirta iyo Daaqa, Axmed Warsame, iyo Fayo-dhowrka iyo horumarinta Deegaanka iyo magaalooyinka Maxamed Yaasiin, Sidoo kale waxa ka soo qeyb galay kulanka, wasiirka wasaaradda Dawladaha Hoose iyo horumarinta Magaalooyinka Somaliland Xasan Macalin iyo agaasiha Waaxda Amniga ee wasaaradda Arimaha Gudaha.
Ugu horeyn waxa kulanka iyo ujeedadiisa faah-faahin ka bixiyey wasiirka Wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire), isaga oo xusay in ujeedka kulankani uu yahay mid gogol xaadh u ah kulan balaadhan oo la qaban doono badhtamaha bishani.
Kaasoo u jeedadiisuna tahay in Qorshe loo sameeyo Beerista 3 Milyan oo Geed, iyadoona qorshahaasi uu ka mid ahaa balan qaadyadii Barmaamij siyaasadeedka Xukuumada Xisbiga Waddani ee tallada dalka haya.
Sidaa darteedna ay lagama maar maan tahay samaynta iyo diyaarinta qorshahaasi qaran ee la doonayo in lagu beero 3 milyan ee geed, isla markaana laga wada qeyb qaato oo ay daneeyayaasha kala duwan ee dhinacyada dawlada Dhexe, Dawladaha Hoose iyo Ururada Bulshada iyo kuwa Caalamiga ahiba doorkooda qaataan.
Qaybta labaad ee qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa faa’iidadda ay leedahay ilaalinta dhirta iyo sidoo kale qiimaheedda, iyadoo aynu soo xigan doono warbixin ay soo saartay qaramadda midoobay oo lagu sheegay in“Dunida 31% ayaa maanta Kaymo ah”.
Dunidu waxay halgan ugu jirtaa sidii loo horumarin lahaa Dhul-kaymeedka deegaanka, si loola tacaalo dhibaatooyinka saxa-xumada Hawada ee sababaya isbedelka Cimilada “dunida 31% ayaa maanta Kaymo ah”sida ay tibaaxayso warbixinta sanadkan ee qaramada midoobay.
Ilaalinta deegaanka iyo waxyaabaha dhulka dushiisa ku nooli waa masuuliyad-wadarreed adduunku si weyn u tixgeliyo oo shuruuc iyo heshiisyo caalami ahi ka yaallaan, iyada oo ay ujeeddadu tahay in laga hortaggo in xaaluf iyo isbedello taban ay ku dhacaan.
Caalamku waxa uu tobanaankii sannadood ee u dambeeyey halgan kula jiraa saameynta isbedelka cimillada oo faro baas ku haysa nololsha dad, duunyo nool iyo bad-qabka caafimaadka magaalooyinka.
Deddaallada ugu badan waxa ay dunidu ku bixinaysaa yaraynta wasaxowga deegaanka iyo horumar waara in laga sameeyo. Waxaana jira dad kooban oo isu xilqaamay inay gaadh ka noqdaan ilaalinta deegaanka ay ku nool yihiin.
Somaliland waxay kamid tahay wadamada uu sida tartiib-tartiibta ah u saameynayo Isbedelka Cimilada, waxaana dhibaatooyinka uu sababay kamida abaaraha soo noq-noqda ee ka dhasha roob-yaraanta.
Sida ay muujinayaan daraasado badan oo laga sameeyey dalka dhowrkii sannadood ee la soo dhaafay, Somaliland ma jiraan wershado waaweyn iyo aallado kale oo saameyn ku yeeshay deegaanka.
Hase ahaatee caqabadaha jira waxa ka mida in dadku dabar-jarayo dhirta, in aanay jirin daryeel guud oo lagu samaynayo bay’adda iyo in aanay bulshadu ku baraarugsanayn in deegaanku u baahan yahay in loo ilaaliyo sida duunyada la dhaqdo oo kale, una baahan yahay horumarin joogto ah.