Wasiirka Tamarta iyo Macdanta oo furay kulan lagaga hadlayey Garabraratada Macdanta JSL

0
37

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Md Eng Axmed Jaamac Bare oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md Shacayb Cismaan Maxamuud ayaa Daah-furay Kulanka Bilawga Dib u Habaynta Garab Raratada Macdanta Ee Gobolada Somaliland.

Kulan oo ay ka so qayb galeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Maalgashiga iyo Warshadaha, Gudoomiyaha Guddiga khayraadka iyo Xildhibaanadda Golaha Barlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Eng Axmed Jaamac Bare ayaa sharaxaad ka bixiyey dadkan ay ugu yeedheen garabraratada “Garabrarato marka laleeyahay waxa weeyi dad meel iskugu tagay oo macdan qodaya, oo alaabtooda dagta ku sita, oo aan xirfad lahayn, oo godad dhaareer qodaaya, naftooduna khatar ku jirto, deegaankana khatar ku haya, sharciyana aan laysan wadanin”

Wasiirku waxa kale oo uu intaa ku daray in gododka dhaareer ee ay dadka garabraratada ahi qodaan ay mararka qaar sababto in qaarkood ku nafwayaan sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in macdanaha qaar ay deegaanka iyo xoolaha ay wax yeelo ka soo gaadho, taasi oo sida uu wasiirku sheegay macluumaad ay heleen ay ku ogaadeen I xoolo ku dhinteen.

Geesta kale waxa kulankan faahfaahin ka bixiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta waxana uu yidhi “Kulankan aan halkan u fadhino ayaa ah sidaan u diwaan galin lahayn una wacyigalin lahayn macdanlayda ka shaqaysata dalka gaas ahaan garab raratada, laga soo bilaabo 2017 waxa dalka ka bilaabantay in dadku si iskood ah u la soo baxaan macdanaha”.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray inkaa garabraratada dhinaca macdanta ka shaqaysan jiray aanay haba yaratee wax Ruqsad ah ama ogolaanshiyo ka haysan Macdanta isla markaana ay sababtay in macdan qodis sharci daro ahi dalka ka bilaabanto taasi oo sida Agaasimuhu sheegay ku faaftay dhamaan gobolada dalka.