Sweden Maxay ka Yeelaysaa sharciga hubka ka dib markii toogasho lagu dilay 10 qof

0
20

Dowladda Sweden ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku adkeynayso sharciga hubka, ka dib toogashadii ugu xumayd ee soo marta dalkaas. Todobo dumar ah iyo afar rag ah oo da’doodu u dhaxayso 28 ilaa 68 jir ayaa ku dhintay weerarkaas oo uu ku jiro qofkii weerarka geystay oo isna is dilay, sida ay booliisku sheegeen.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Rickard Andersson oo 35-jir ah, ayaa si weyn loogu sheegay Warbaahinta Sweden, wuxuuna watay afar qori oo si sharci ah loo haystay, kuwaas oo saddex ka mid ah laga helay Iskuulka, sida ay booliisku sheegeen.

Isbaheysiga midig-dhexe ee Sweden oo ku tiirsan taageerada xisbiga midigta fog ee Sverigedemokraterna ayaa sheegay Jimcihii in ay doonayaan in ay kordhiyaan shaandheynta iibsashada hubka isla markaana ay doonayaan in la mamnuuco noocyada hubka qaarkood.

“Waxaa jira noocyo hub ah oo aad khatar u ah oo ay tahay in loo haysan arrimo rayid ah,” ayay dowladdu ku tidhi hadal ay soo saartay.

Ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson, oo booqasho ku jooga Latvia, ayaa u sheegay saxafiyiinta: “Waa inaan xaqiijinaa in dadka saxda ah oo kaliya ay hubka ku haystaan ​​Sweden.”

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa sheegay in ay ogolaadeen soo jeedinta wax ka bedelka sharciga, oo ay ku jiraan xaddidaadyo badan oo ku saabsan helitaanka qoryaha boobayaasha ah.

“Falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay Orebro wuxuu dhalinayey dhowr su’aalood oo muhiim ah oo ku saabsan sharciga hubka,” ayuu xisbigu ku yidhi bayaan.

AR-15, oo ah nooc gaar ah oo ah qoriga yar-yar oo awood badan leh, isla markaana qaadi kara khasnado waaweyn oo rasaas ah, ayay dowladdu si gaar ah u tilmaantay tusaale ahaan hubka la xaddidi karo.

Booliisku si dhab ah uma aanay sheegin hubka loo adeegsaday weerarka, balse AR-15 ayaa loo adeegsaday toogasho wadareedyo badan oo ka dhacay Maraykanka.

Waxay xaqiijiyeen in goobta la weeraray ee Orebro laga helay dhowr qori oo dhaadheer, iyada oo ay la socdaan 10 khanadood oo faaruq ah.

Sida uu dhigayo sharciga Sweden ee hadda jira, qof kasta oo ka weyn 18 sano oo aan lahayn rikoodh dembi wuxuu codsan karaa ogolaanshaha qoriga toogashada, bastoolad ama qori yar oo boobe ah.

Ku dhowaad ​​580,000 oo Sweden ah ayaa haysta shatiga hubka marka loo eego dad dalkaa oo gaadhaya 10.5 milyan, sida lagu sheegay tirokoob uu sameeyay warbaahinta Sweden ee SVT.

Daraasad Swiss ah oo la sameeyay sanadkii 2017 ayaa lagu ogaaday in 2.3 milyan oo qori ay haysteen dad rayid ah Sweden. Taasi oo qiyaastii noqonaysa 23 qori 100kii qof, marka la barbar dhigo Norway oo 29 qori ah 100-kii qof iyo Maraykanka oo120 qori ah 100kii qof.

Si loo helo shatiga ugaadhsiga gudaha Sweden, waxaa loo baahan yahay hubin iyo shuruudo  imtixaan la taaban karo. Ilaa 280,000 oo Sweden ah ayaa haysta midaa.

Booliisku weli si cad uma aanay sheegin dhibanayaasha weerarka Orebro, sababta weerarka toona.

Dadka dhintay, sida ay sheegeen qoyska iyo xubnaha bulshada, waxaa ku jiray Suuriyaan ah oo ka qaxay dagaalkii dalkooda, iyo sidoo kale hal qof oo Bosnia ah.

Sweden waxay leedahay heerar sare oo lahaanshaha qoriga iyo dembiyada hubka, marka loo eego halbeegyada Yurub, inkasta oo inta badan hubka si sharci ah loo leeyahay loona isticmaalo ugaadhsiga.

Weerarkii Salaasadii uu ahaa toogashadii ugu horeysay ee dalka ka dhacda iyo toogasho wadareedkii ugu xumaa. Wadarta afar qof ayaa lagu dilay laba weerar oo iskuul oo kala duwan ka dhacay sanadihii 2015 iyo 2022.