Waddamada Baltiga ee Estonia, Latvia, iyo Lithuania ayaa hadda ka guuray korontadii Ruushka, waxayna ku biireen shabakadda Midowga Yurub. Qorshayaasha tallaabadan – oo soo socday tan iyo 2007 – ayaa loo arkay inay muhiim u yihiin ammaanka Yurub, waxaana la soo bandhigay ka dib markii Ruushka uu si buuxda u weeraray Ukraine 2022.
“Maanta, taariikhda ayaa la sameeyay,” madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sidaa ka sheegtay xaflad ka dhacday caasimadda Lithuania. “Tani waa xorriyad, ka madax-bannaanida hanjabaadaha, waa xorriyadda ka madax bannaan.”
Madaxweynaha Poland Andrzej Duda, ayaa tallaabadan ku tilmaamay astaan dhab ah taas oo gobolka ka dhigi doonta “mid ammaan ah oo adkeysi leh”.
“Waa tillaabadii ugu dambeysay ee loo qaaday dhanka ka xoreynta wixii ka dambeeyay ku tiirsanaanta Soviet-ka,” ayuu raaciyay.
Shirkadii Ruushka ee loo yaqaan Brell Power grid – oo u taagan Belarus, Russia, Estonia, Latvia, Lithuania – waxaa gabi ahaanba gacanta ku hayey Moscow waxaana muddo dheer loo arkayay inay u nuglaadeen saddexda dal ee gobol ee Baltic.
Estonia, Latvia iyo Lithuania hadda waa xubno Nato ah oo aan koronto ka iibsan Ruushka tan iyo 2022, laakiin xidhiidhkooda khadka Brell ayaa ka dhigay inay ku tiirsanaadaan Moscow.
Hadalkeeda, Ms Von der Leyen waxay ka digtay in Nato ay tahay inay ka digtoonaato aargoosiga suurtagalka ah ee Ruushka.
Iyada oo tilmaamaysa dhacdooyin dhowaan soo noqnoqday oo looga shakisan yahay curyaaminta dhuunaha korantada iyo dhuumaha badda Baltic.
Kiiskii ugu dambeeyay, markab loo yaqaan “Shadow Flut” oo Ruushka ah oo saliidda qaada ayaa lagu eedeeyay inuu dhaawacay xadhig weyn oo isku xidha Estonia ee Gacanka Finland . Kremlin-ku wuu diiday inuu faallo ka bixiyo.
Madaxweynaha Lithuania Gitanas Nauseda ayaa ku baaqay in cunaqabatayn lagu soo rogo maraakiibta hadhka ah ee Ruushka, isagoo sheegay in dhacdooyinkii u dambeeyay ay ahaayeen kuwo aad looga walaaco.
Nato si toos ah uguma eedayn Ruushka balse waxay kaga jawaabtay inay bilawday hawlgal cusub oo roondo ah oo lagu magacaabo Baltic Sentry .
Wadar ahaan, ku dhawaad 1.6bn euros (£1.33bn) ayaa lagu maalgaliyay mashruuca lagu wareejinayo saddexda wadan ee shabkada Midowga Yurub, iyadoo dhaqaalaha inta badan uu bixiyay Midowga Yurub.
Mudada kala-guurka ayaa dhacay laba maalmood, iyada oo saddex waddan ay ka go’een shabakadda Ruushka subaxnimadii Sabtida ,
Wasiirka Tamarta ee Ukraine, Galushchenko ayaa ku tilmaamay “dhacdo muhiim u ah Yurub oo dhan”.