Wasiirka Arrimaha Dibada oo Daahfuray Mac-hadka Barashada Xidhiidhka Caalamiga ah

0
21

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee JamhuuriyaddaSomaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, oo kaashanaya jaamacada Hargeysa, ayaa shalay siramiya u furay machadka dublamaasiyada iyo arrimaha caalamiga ah ee JSL, kaas oo lagu baran doono arrimaha la xidhiidha barashada dublamaasiyada.

Sidoo kale ujeedada laga leeyahay furitaanka Machadkan ayaa in Somaliland, rabitaankeedu yahay kor u qaadista iyo dardaargelinta arrimaha diblamaasiyada.

Geestan kale wasiirku waxa uu xusay in uu kaalin weyn ka qaadan doono soo saarista bulsho aqoon iyo khibrad u leh arrimaha Diblamaasiyada iyo siyaasada arrimaha dibedda.

Waxaanu yidhi.”Arinta ugu wayn oo ah Ictiraaf raadinta ee muddada 30-ka sano kabadan aan la daala-dhacaynay oo marba awoodeenu intay tahay laysku dayayey waxa aad u soo noq-noqotay ictiraaf raadinta lafteedii in aan weelkeedii samaysano markaa in la helo dad dublomaasiyiin ah oo ka shaqeeya ictiraaf raadinta iyo marka la helo sidii aduunyada loola macaamili lahaa weeyi ujeedada ugu wayn ee Mac’hadkani loo aas aasay”

Waxa kale oo wasiirku sheegay wakhtigii hore in ay jireen dad reer Somaliland ah oo dawladihi hore dibada wax ku soo bartay, isla markaana wax ka yaqaanay Diblomaasiyada balse da’arta dambe aanay helin fursadaa sidoo kale aanay jirin goobo lagu barto diblomaasiyada, waxaanu intaas ku daray in ay jiraan dhalinyaro dadaalay kuwaas oo si iskood ah u bartay ama meelo kale ku soo bartay diblomaasiyada.

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi raaciyay in ay lagama maar maan tahay soo saarida da’yar aqoon u leh arimaha diblo maasiyada iyo xidhiidhka caalamiga, isla markaana xukuumada cusub ee Madaxwayne Cabdiraxmaan ciro gadhwadeenka ka yahay ay ka go’an tahay suurtogalinta iyo helida arimahaasi.

Waxaanu yidhi.”Waxa lasoo gaadhay xiligii dadkan iyo dalkani heli lahaayeen Ictiraaf, wax kasta oo suuro-gal ahna waanu samaynaynaa, tani waxay ka mid tahay Mac’hadka waxan u diyaar garoobaynaa Ictiraafkii waxan samaysanaynaa dadkeedii, waxan samaysanaynaa weelkeedii, waxan diyaarinaynaa dadkeedii raadinlahaa una ordilahaa ictiraafka”

Geesta kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Mac’hadkani gogol xaadh u yahay goobtii lagu sii diyaarin lahaa dad ka shaqeeya amaba safiiro uga noqda Somaliland wadamada aduunka ee ay ku yeelan doonto safaaradaha.

Waxaanu yidhi. “Tani waa diyaar garow lagu soo saarayo safiiradii Somaliland wakiilada uga noqon lahaa lagu soo saarayo, manihin Xukuumadii ugu horaysay ee ku fikirta Hirgalinta Mac’hadkan way jireen xukuumad iyo dad gaar ah oo isku dayey in ay hirgaliyaan balse way suuro gali wayday, waxan balnqaadaynaa oo aad markhaati ka noqonaysaan in aanay taasi dhicin, waxanu ku dadaalaynaa in uu hirgalo”

Gaba-gabadii Munaasibadda, waxa heshiis rasmi ah ku kala saxeexday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL iyo Madaxweynaha Jaamacadda Hargeysa kaas ujeedkiisu yahay sidii Jaamacadda Hargeysa ay u martigelin lahayd Mac’hadka Dibloomaasiyadda iyo Arrimaha Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.