Wajaale (Dawan) Wefti uu hogaaaminayey wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo ay wehelinayeen , wasiirka wasaaradda dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka JSL Mudane Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin), Gudoomiyaha Rugta ganacsiga, maamulka gobolka Gebilay iyo maamulka Degmada Tog-Wajaale ayaa kulan Ballaadhan la qaatay guddida ganacsada degmada Tog-Wajaale.
Kulankan waxa diiradda Lagu saaray horumarinta ganacsiga degmada Tog-wajaale, sidoo kale waxa ay dhagaysteen cabasho ay qabeen ganacsatadu magaaladaasi, kaasi oo ku saabsanaa ganacsiga magaaladda oo ay ganacsatadu u soo gudbiyeen xukuumadda.
Waxaa kale oo kulanka la iskua qaatay in kor loo qaado ganacsiga Degmada Tog-Wajaale oo ku taalla goob muhiim u ah dhaqaalaha dalka, isla markaasina ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo kor-u-qaadista ganacsiga halkan ka socda.
Gebo-gabadii Maamulka iyo Ganacsatada Wajaale waxa ay isla qaateen xoojinta horumarinta ganacsiga Wajaale Iyo Sidii Wajaale u noqon lahayd caasimadda Ganacsiga ee Geeska Africa, sidoo kale kulan ayaa ku soo dhamaaday isfaham iyo wada shaqayn ay isla qaadeen Xukuumadda iyo Ganacsatadu.