Shirka Dubai iyo Doorka Somaliland: Aragtida Diblomaasiyiinta iyo sida uu Dunida u Gilgilay

0
18

 

Dubai(Dawan):-Shirweynaha Dawladdaha Caalamka ee ka furmay Dalka Imaraadka Carabta 11/02/2025, haddii Hal Layn lagu soo koobo guusha ay Jamhuuriyadda Somaliland kala kulantay ka qaybgalkiisa iyo doorka ay ku lahaydba waxa aynu ku tilmaami karnaa “fursad dahabi ah oo madaxweynaha Qaranka soo martay wakhtigii ku haboonaa oo uu waajibkiisa uga gudtay sidii ugu wanaagsanayd, uguna sarraysay”

 

Madashani waxay kamid tahay tobanka Ardaa-fadhi ee uu adduunku ku qaabeeyo siyaasaddaha iyo Dhaqaalaha, waana tan afraad ee kulamada noocan ah.

 

Sidaasi awgeed waa guushii ugu sarraysay ee aynu ka gaadhno xagga diblomaasiyadda iyo bandhigga qadiyadda Qarannimada, marka dib loo raaco sooyaalka taariikhda iyo deddaaladii dawladdu soo wadday ee ay sameeyeen xukuumaddihii kala dambeeyey ilaa 1991-kii.

 

Sababtana waxaan ka qiyaasan karnaa“daqiiqad gudaheed ayuu magaca Somaliland iyo maqaamka ay mudan tahay wada gaadhay dhegaha in ka badan soddon Madaxweyne, afar boqol oo wasiirro iyo wakiillo dawladdeed isugu jira iyo dad kale oo saameyn ku leh caalamka, taasoo ay sidoo kale indhaha ku hayeen madaxda adduunka kuwooda ka maqnaa ee aan joogin”

 

Qodob kale oo muhiim ah waa in aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro aanu ilbidhiqsi dayicin wakhtigii la siiyey hadalka iyo waraysiga fagaaraha dadka hortooda, waxaanu warbixintiisa oo mug iyo miisaan leh ka horjeediyey lix kun oo qof ay ku jiraan madaxda aynu kor ku xusnay, iyadoo aanu marna hadalku ka gedmin, kana gelin xagal qalloocda iyo gobo’ taban toona.

 

Khudbadda Madaxweynaha kaddib, waxa mar kaliya sare maray magaca Somaliland iyo hadal haynteeda ‘isha laga eeggo kala saraynta dooddaha baraha bulshada, gaar ahaan bogga X ee hore loo odhan jiray Twitter. Facebook iyo mareegaha kale ee lagu wada-xidhiidho ayaa sidoo kale warka iyo wax-iska-waydiinta Somaliland boqolaal kun kor u kacday’. taasina waa arrin kale oo guusha gole-geynteeda qayb ka ah, mana jirto cid dhaleecaysay talaabada ay Somaliland markii ugu horaysay kor ugu baxday salaanka diblomaasiyadda in la soo dhaweeyey mooyaane. in guusha baaxaddaasi lehi falcelin togan oo keliya heshaana waa libin kale oo miisaankeeda, isla markaana dunida tusaysa in aanu albaab adag oo ay u dabrantahay qaddiyadda Qaranka Somaliland ee 34-sanno jirsaday.

 

Si kastaba ha ahaatee,khubarada diblomaasiyadda iyo aqoonyahanka Somaliland waxa ay talaabadani ka furtay daaqad weyn oo adduun-arrag ah. Waa hubaal inay qaar badani ku mashquulsan yihiin qiimeynta Kiiska la xidhiidha guusha dawladdeed ee weyn. “Fagaareyaasha sida Shirweynahii Dawladaha Caalamka oo kale waa muhiim inay Somaliland ra’yigeeda ka jeediso- “ sidaasi waxa yidhi Dr Maxamed Cabdillahi Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, ahna diblomaasi sanadihii u dambeeyey ka shaqaynayey hay’addo diblomaasiyaddeed oo caalami ah.

 

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa soo dhoweeyey, isla markaana bogaadiyey guusha Wefdiga Madaxweynaha JSL Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) ka gaadheen shirweynahaasi. “Ka qaybgalka shirkani waxay Somaliland u ahayd fursad wanaagsan oo ay kula wadaagto martida shirka iyo caalamkaba himiladeeda siyaasadeed, dhaqaale iyo go’aanka madaxbanaanida ee shacabkeeda” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Wargeyska Dawan wax ka waydiiyey siduu u arko natiijada Somaliland ka dhaxashay Shirka Dubai.

Waxa uu intaas ku daray inuu fursad weyn u ahaa Somaliland inay himiladeeda dhaqaale iyo go’aankeeda Madaxbanaanida shacabkeeda la wadaagyo caalamka.

 

Dr Maxamed ayaa soo jeediyey in la sii balaadhiyo dedaalada madaxda Somaliland kaga qeybgelayaan fagaarayaasha caalamka si ay ra’yigooda uga jeediyaan,

“Kulamada noocani waa fagaarayaasha ay Somaliland u baahan tahay inay ka qaybgasho, kana soo jeediso ra’yigeeda”ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillahi Cumar.

 

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha dibada Ambasadoor Maxamed Xaaji oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay “Madashani waa ta afaraad ee adduunka ugu weyn ee dunidu ka kulanto, waa markii ugu horaysay ee ay ka qaybgasho Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Madaxweyneheenu fursad u helo inuu hadal ka jeediyo oo uu ku sharaxo Dalkeenna iyo qaranimadeenna”.. “Waa arrin aan hore u dhicin inaynu halkaas oo kale nimaadno oo su’aallo laynagu waydiiyo, markaa wuxuu balaadhiyey arragtideenii dibada”

 

Ambasadoor Maxamed Xaaji, waxa uu sheegay in ka qaybgalka Shirweynahan iyo meeqaamka laga siiyey Somaliland ay ka dhasheen ama ay dibada ku hayso maxsuulka booqashadii uu bilowgii bishan ku tegay madaxweynuhu dalka Imaraadka Carabta, waxaanu intaasi raaciyey in safarkaa hore sabab iyo saldhig u ahaa guusha fagaaraha loogu wanqalay.

 

“Arrintani waxay ka dambeysay safarkii hore ee uu Madaxweynuhu ku tegay Dalka Imaraadka oo uu madaxdeeda kula kulmay, markaasoo aynu wax weyn ka wadahadalnay, ayaa guushan qayb ka ahayd”

 

Danjirihii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Twain Maxamed Xaaji waxa uu waraysiga uu siiyey warbaahinta Qaranka ku sheegay “Madaxweynuhu wuxuu safarka hore isticmaalay diblomaasiyad qarsoon, waxaana keenaysay inuu sidaas yeello maslaxada Qaranka ayaa ku jirtay”ayuu yidhi.

 

Axmed-yaasin Aw Maxamed Jaamac oo ah aqoonyahan Dhaqaale, xilalna ka soo qabtay Somaliland ayaa isna sheegay in Somaliland shirkaasi ka kasbatay mustawe ay kaga qayb qaadan karto xalinta dhibaatooyinka dunida “waa fursad lagu xoojinayo doorka Somaliland ee siyaasadda caalamiga ah, iyada oo dunidu si weyn u fahmayso muhiimada uu leeyahay aqoonsiga Somaliland iyo doorkeeda ka-qayb-galka xallinta dhibaatooyinka caalamiga ah. Shirkani waxa uu xoojinayaa in Somaliland ay si buuxda ugu gudubtay wejigii ay dunida kaga mid noqon lahayd”

 

Bud-dhigga taariikhdan guusha leh, waxa ay Somaliland uga gudbaysaa xaqiijinta midho-dhalka diilimaha cusub ee ay calaamadisay, taasoo qiimaha ugu hooseeyaa laga filayaa yahay balanqaadyo waaweyn oo Ictiraaf muddaysan, xidhiidho diblomaasiyaddeed iyo maal-gashi dhaqaale oo balaadhan isugu jira. Hase ahaatee meesha u dambeysa ee higsiga Jamhuuriyaddu waa aqoonsi buuxa oo aan cid kale gorgortan ka gelin.