Somaliland oo joojisay Gaadiidka Basaska ah ee Albaabka ku leh Dhinaca Bidix

0
24

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan):[- Xukuumadda Somaliland,ayaa joojisay soo dejinta basaska dhinaca bidix albaabka ku leh.

Wareegto uu saaray wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumariinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cismaan Nuur Af-gaab, ayaa lagu Mabnuucay in la soo dejiyo Basaaska dhinaca bidix Albaabka ku leh.

Jamhuuriyadda Somaliland inta badan gaadiidka dadweynaha u adeega ayaa ah kuwa dhinaca bidixda ku leh albaabada, isla markaana sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo khasaare hantiyeedba.

Go’aankan xukuumadda Somaliland ayay ku joojisay soodegitaanka gaadiidka gurran ayaa noqon doona mid yaraysa khasaarihii joogtada ahaa dhaawaca iyo dhimashada sababi jiray.

Wareegto uu saaray wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumariinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cismaan Nuur Af-gaab, oo soo gaadhay wargeyska Dawan, ayaa u dhignaa sidan.

“Waxaan go’aamiyey in aan dalka laga soodejin karin lana cashuuri karin Basaska Albaabka gurran (Bidix) iyo Basaska nooca yar ee Bas caasiga ah, kuwaas oo labada dhanba albaab ku leh laga bilaabo taariikhda waraaqdani soo baxdo.

Haddaba ciddkasta oo ka hortimaada go’aanadan waxa laga qaadaya tallaabo sharciga waafaqsan oo la xidhiidha arrintooda”