Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Guusha Somaliland ka Heshay Shirkii Madaxweynaha iyo weftigiisu ka Qayb-galeen

0
24

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-yaasin Sheekh Cali (Ayaanle), ayaa faahfaahin bixiyay safarkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku joogo dalka Imaaratka Carabta iyo shirkii uu kaga qaybgalay ee ay isugu yimaadeen dawladdaha adduunku.

Wasiirka ayaa shirkaasi Madaxweynaha iyo weftigiisu ka qaybgaleen ku tilmaamay mid guul weyn u ah Somaliland, isla markaana ay tahay markii ugu horraysay ee madaxweyne JSL, ka socda shirkaas ka qaybgalo.

Waxa kale oo uu bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in aanay cadaawad gaara u qaadin shacabka Somaliland.

Wasiirku waxa uu siweyn ugu mahadnaqay madaxda dalka Imaaratka Carabta, oo uu sheegay inay soo bandhigeen xaqiiqo aan indhaha laga qarsan karin.

Waxaanu yidhi. “Safarka madaxweynaha Somaliland, waxa uu ahaa mid taariikhiya, shirkaasi waxa uu ahaa kii 4-aad ee dunidu isugu timaado ee ugu ballaadhan.

Waa shirkii ugu ballaadhna ee abid uu ka qaybgalo madaxweyne Somaliland ahi, wuxu fursad u noqday bulshada mudada badan u samirsaneyd in Caalamku dhageysto Qadiyadooda.

Waxa ILAAHEY fadligiiya in JSL heshay in ka badan 140 dal, 80 hay’addood oo caalami ah iyo 30 madaxweyne madal ay fadhiyaan, oo Somaliland ku qaadan lahayd Malaayiin Dollar iyo wakhti badan inay u safarro u gasho, u socdaasho, dal walba u tagto, qadiyadeeda hordhigto, ka dhaadhiciso ballama raadsato,”

Wasiirku waxa uu sheegay in Shirkii madaxweynaha iyo weftigiisu ka qayb galeen uu ahaa aqoonsi dadban.

Waxaanu yidhi. “Shir walba erayba ka duula haddaba shirkii madaxweynuhu ka qaybgalay ee uu khudbada taariikhiga ahna ka jeediyay erayga ka duuley ee ili-qabatiga noqday wuxu noqday JSL, madaxweynaha Somaliland, dekedda Berbera mudnaanteeda iyo goobta ILLAAHEY Somaliland dejiyay, dawladnimadeeda, taariikhdeeda, xuquuqdeeda, inay dal ahayd calan qaadatay, adduunyaduna aqoonsatay, walaalnimo iyo Soomaalinimo ay dawladnimadeedii u haneysay, balaayo ka gaadhey, kala soo noqotay 30 sano in ka badan dawlad tahay, doorashooyin qabsoomaan, 6 madaxweyne si qori-isu-dhiibaan, marka shirka Qiimahaasi leh ALLE qolkaasi yar ee kooban ayuu ugu soo ururiyay, ILLAAHEY ayaanu ugu mahadnaqayna, waana fursad aanu sugeynay muddo dheer, waa aqoonsi dadban oo kii caadiga ahaana uu dabayaalo, aqoonsi waxa aanu u leenahay waa shirka dawladdaha adduunka, Somaliland urur ahaan looma soo casuumin, gobol ahaana looma soo casuumin ee dawlad ahaan ayaa lagu soo casuumey, madaxweynaheenuna isaga oo madaxeynihi dawlada Somalilandna ayuu shirka fadhiyay,”

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, Mudane Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa siweyn ugu mahadnaqay madaxda dalka Imaaraatka.

Waxaanu yidhi.“Waxaan halkan uga mahadcelineyna madaxda Imaaratka Carabta, Sheekh Maxamed Binu Saayid, Raysal wasaaraha, iyo madaxweyne ku xigeenka, oo uu muujiyay dhiiranaan, kalsooni, xaqiiqo aan la qarin karin oo caalamku muddo badan isha ka lalinayay inay caalamka u bandhigaan oo ay yidhaahdaan wadankani dal laga maarmayo maaha”