Xukuumadda Somaliland oo Ruqsadii kala Noqotay Telefishanka Universal

0
25

Hargeysa( Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa ruqsaddii uu kaga hawl galayay Somaliland kala noqotay Telefishanka UNIVERSAL.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland ahna afhayeenka Xukuumadda Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle,ayaa sheegay in telefishanka Universal in u uku xad gudbay heshiiskii ay wada galeen Mulkiilaha Universal TV iyo Xukuumadda Somaliland,gaar ahaan wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland.
Waxaa kale oo ganacsatada reer Somaliland looga digay in ay xayaysiis ku samaystaan ama ku baahiyaan Universal TV.
Waxaa kale oo wasiirku intaa ku daray in Universal TV uU ku xadgudbay Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka wasasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland oo noqul ka mid ahi uu soo gaadhay wargeyska Dawan,ayaa u dhignaa sidan.

“Aniga oo tix-raacaya warqada Ref: WWW/XW/76-10/2010, kuna taariikhaysnayd 21/10/2010 ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelintu ku siisay Oggolaanshaha Ruqsada uu kaga hawl-galayey Gudaha Somaliland Telefishanka Magaciisu yahay Universal Tv.
1. waxa ay ku xad gudbeen qodobadii heshiiskii ay galeen oo Mulkiilaha Universal Tv uu la lagalay Xukuumadda JSL gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta.

2. Waxa kale oo uu ku xad-gudbey Qaranimada JSL oo ah mid aan gorgortan galayn cidna aan loogu dul-qaadanayn.
3. Tixraaca wargadii u danbaysay oo sumadeedu tahay Ref: WWDH&W/X/W/377/06/2020 kuna taariikhaynayd 27/06/2020 Ujeedadeeduna tahay Ruqsad kala noqosho.
Haddaba, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12/February/2025, dhammaan markii aanu aragnay sida badheedhka ah ee Universal Tv, ugu xad-gudbeen Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aannu kala nogonay Ruqsadii warbaahineed ee uu kaga hawl-galayey gudaha JSL.
A. Waxa la farayaa dhammaan Telefishanada Local-ka ah ee kala ah Astaan Tv, True Cable Tv, Hornsat Cable, in ay ka saaraan Telefishanada ay baahiyaan muuq-baahiyaha Universal Tv.
. Waxa dhammaanba la joojiyey isticmaalka calaamada Universal Tv (Loogada). B
C. Waxa kale oo la joojiyey in shirkadaha ganacsi ee ka diwaan-gashan Jamhuuriyadda Somaliland ay xayeysiis ku sameystaan Universal Tv. Sidaa daraadeed, waxa aan rajanayaa in aad wax ka qaban doontaan.
ALLAA MAHAD LEH
Mudane: Ahmed-yasiin Sh. Ali Ayaanle Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaganka iyo Wacyigelinta Ahna Af-hayeenka Xukuumadda JSL.