Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha JSL oo Kormeeray Xaaladda Biyood ee Berbera

0
36

 

Berbera (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane Aadan Cabdilaahi Cabdille, ayaa safar shaqo iyo u kuurgalka xaalada biyood ah ku tagay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Agaasimaha guud ayaa safarkiisa ku bilaabay kulan uu la qaatay Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil iyo maareeyaha Waakalada biyaha iyo maareeye ku xigeenka iyo Mudan kale,

Intaa kadib, Agaasimaha iyo wafti uu hogaaminayay ayaa kormeer iyo indha-indhayn kutagay Ceelasha biyaha ee magaalada Berbera, gaar ahaan kuwa ku yaalla Dooxa Kala-jab iyo Magaalo-Barwaaqo.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale booqday Dooxa Kala-Jab, halkaas oo qorshe laga leeyahay in mustaqbalka laga hirgeliyo biyo-xidheen casri ah oo kor u qaadi doona Ceelasha biyaha ee halkaas ku yaalla.

Intaa kadib agaasimaha ayaa kormeer ku tagay Wakaaladda Biyaha ee Berbera, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Maareeyaha iyo maareeye kuxigeenka iyo waliba shaqaalaha wakaaladda Berbera.

Intii uu kulanka socday Agaasimaha ayaa bogaadiyay shaqaalaha dadaalka naf-hurka leh ee ay u hayaan bulshada magaalada Berbera iyo guud ahaan gobolka Saaxil, waxaanu u soo jeediyay inay dedaalka sii kordhiyaan si ay u haqabtiraan bulshada magaalada.

Wuxuu ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan dadaalkooda, isagoo u balan qaaday in wasaaraddu kaalin weyn ka qaadan doonto horumarinta adeegyada biyaha ee magaalada Berbera.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale booqday dhammaan waaxyaha iyo xafiisyada wakaaladda, si uu u eego qaabka ay u shaqeeyaan iyo sidii loo wanaajin lahaa adeegyada ay bixiso wakaaladdu.

Kormeerka wakaaladda kadib agaasimaha guud iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa kormeeray dhirta bilicda leh ee ay dawlada hoose ku cagaarisay magaalada kuwaas oo waraabkooda ay hirgalisay wakaalada biyaha ee magaalada Berbera isagoo madaxda degmada iyo wakaaladaba ku bogaadiyay dedaalka ay ku bixiyeen dhirta.