Stockholm (Dawan)- Ayaan Xasan oo ah muwaadinad reer Somaliland ah oo cilmiga kalkaaliso caafimaad ku baratay dalka Sweden, ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta caalamiga ah ee Daryeelka Howlgalka Caafimaadka, kadib markii ay muddo siddeed sano ah tababaro caafimaad siinaysay umulisooyinka ka hawlgala isbitaalada magaalada Gabiley.
Ayaan, ayaa heshay abaalmarinta Medical Mission’s Kindness Award, ee sanadkan 2025-ka taas oo ay guddoonsiyeen ururka caalamigaa ee Läkarmissionen oo fadhigiisu yahay dalka Sweden.
“Ayaan Xasan waa qof ku dayasho mudan, xoojinteeda wanaagga iyadoo adeeegsanaysa ka go’naanshaheeda caawinta caafimaadka haweenka iyo carruurta, iyadoo waxa ay haysataana ay kooban yihiin.waxay u safartay dalka sanadkii 2018-kii si ay u bixiso daryeel naf-badbaadin ah oo ay u tababarto umulisooyinka maxalliga ah. Iyada oo wadata dadaalkeeda iyo rabitaankeeda ah in ay isbedel sameyso, kaliya ma badbaadin nolosha laakiin sidoo kale waxay dhiirigelisay asxaabteeda inay ka qaybqaataan shaqada. Ayaan waxa ay muujinaysaa in ka go’naanta shakhsiga ahi ay abuuri karto isbedel iyo rajo,”ayaa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey bogga ururka Läkarmissionen oo abaalmarinta bixiyey.
Ayaan Xasan oo waraysi siisay BBC Somali, ayaa sheegtay inay siddeedii sano ee la soo dhaafay gacanta ku haysay hawshan mutadawacnimada ah, iyadoo sannad kasta muddo hal bil ah ku sugnaan jirtay Somaliland si ay tababaro u siiso umulisooyinka, isla markaana ay door uga ciyaarto badbaadinta hooyada iyo dhalaanka ee Gabilay.
“Abaalmarinta waxaa la igu siiyey shaqadii is-xilqaanka ahayd ee aan isku xilqaamay, si aan hooyooyinka isku dhimanaya xilliga foosha u badbaadiyo, cilmigeediina aan ugu gudbiyo umulisooyinka, dhaqaatiirka iyo kalkaaliyaasha ka shaqeeya qaybta hooyada iyo dhallaanka,” ayey tidhi Ayaan.
Hay’adda abaalmarinta bixisay ayaa sidoo kale Ayaan ku maamustay lacag qadarkeedu gaadhayo ilaa $3,000 (saddex kun oo dollar), taasoo ay sheegtay inay mar kale sifo taakulo ah u bixinayso, iyadoo tilmaantay inay dharka shaqada ugu iibin doonto umulisooyinka ka hawlgala Cisbitaalada magaalada Gabiley, si ay ugu dhiirrigeliso shaqadooda.
“Lacagtaas waxaan go’aansaday in aan kaga farxiyo gabdhaha umulisooyinka ee gobolka Gabiley, oo aan ka caawiyo dharka shaqada. Sidaas darteed, iyaga ayaan u hibeynayaa,” ayey tidhi.
Ayaan, sheegtay inay markii ugu horreysay ee ay hawsha bilaabaysay la xidhiidhay maayarkii hore ee Magaaalada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi, kaasoo ay u bandhigtay qorshe ay si bilaash ah wax ugu barayso hablaha umulisooyinka ah, halka dawladda hoose ee Gabiley-na ay siisay goob ay degto.
Tan iyo markaas oo siddeed sano gaadhaysa hawshan ay waday, hablihii ka faa’idaystay waxay waxbarasho ka dhiggaan Jaamacado, waxayna kaalin weyn ka qaateen badbaadada hooyada iyo dhallaanka.
Ayaan Xasan, ayaa mudan inay abaal-marintan oo kale ka hesho Dalkeeda Somaliland, isla markaana talaabada ay samaysay ku dayasho mudan tahay.