Oofinta Balanka Xaalad Kasta Oo Jirta!

0
29

Dhulgariirkii ku dhuftay Mareykanka sanadkii 1989 wuxuu socday afar daqiiqo oo keliya. Laakiin waxa uu sababay burburka dhismayaal badan, waxaana ku dhintay ku dhawaad dad gaadhaya ​​soddon kun, iyo kumanaan qof  oo kale oo dhaawacmay.

Daqiiqadiha cabsida xambaarsan, waaliddiinta midkood wuxuu ku orday dugsiga hoose si uu u badbaadiyo wiilkiisa “Arman” markii uu soo gaadhay dhismihii dugsiga dumay oo dhagxan iyo boodh miidhan haddana waxa uu xusuustay  odhaahdii uu wiilkiisa ku odhan jiray ee ahayd :”

wax kasta oo dhaca, in uu dhiniciisa noqon doono caawimaad iyo dhiirrigelin siin doono. Ballanqaadkan ayaa ku kallifay inuu u dhawaado meesha uu wiilkiisa fasalkiisu ahaa ee la go’ay, waxaana uu bilaabay inuu meesha ka saaro qashinka iyo dhagxanta isagoo isku dayaya inuu badbaadiyo wiilkiisa.

Waalidiin kale ayaa yimid iyagoo qaylinaya oo ooyaya carruurtooda, waxaana loo sheegay inay aanay baadhidu waxtar lahayn iyo in la isku dayo sababtoo ah dhammaantood waxay ku dhinteen burburka.

Xitaa kooxda samata bixinta ayaa ka niyad jabiyaan baadhida, waxaana ay aabaha kula taliyeen inuu iska dhaafo oo sabro.

Laakiin aabihii wuu diiday, waxaana uu go’aansaday inuu maydkiisa soo saaro ama noloshiisa helo. Waxa uu qodada waday 36 saacadood, ilaa gacmaha iyo cagihiisu barareen, boodh iyo wasakhina dushiisa ka buuxsameen, oo xooggiisuna dhammaaday. Laakiin wuu ku adkaystay, inuu sii wado.

Ugu dambayntiina, 38 saacadood oo murug iyo silica ka buuxaan ka dib , ayaa aabihii soo qaaday dhagax weyn oo horseed u noqday inuu helo, waxa uu maqlay codkii wiilkiisii waxaana uu u yeedhay isagoo yidhi: “Arman …. Arman” oo codkiina waxa uu jawaabay waa ikan Aabo..”

Aabaha oo aad farxadda oohinta bilaabaya markii wiilkiisu ku yidhi :” Aabo waan ku sugayay waxaan hubay inaad ii iman doonto, maxaa yeelay waxaad ii balan qaaday in wax kasta oo igu dhaca aad dhinacayga noqon doonto” Fulintu balamuhu waa muhiim. Qof kastaan wakhtiga Allah (sw) u qoray ayuu dhintaa.