Riyadaydu waa in Dalkan Somaliland Ka Mid Noqdo Dawladaha Dunida” Madaxwaynaha Somaliland

0
34

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Dubai (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo safar shaqo ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa waraysi uu siiyay Wakaallada wararka dalkaasi ee loo yaqaano WAM, waxa uu kaga waramay qodobo kala duwan iyo goobaha muhiimka ah ee dalka Imaaraadka Carabta iyo shirkadaha waawayn ay ka maalgashan karaa Somaliland.

Waraysiga ay Wakaallada wararka dalka Imaaraadku la yeelatay Madaxwaynaha Somaliland oo warbaahinta dawladu turjumtay ayaa waxa uu madaxwaynuhu hadalkiis ku iba furay

“ Marka hore waxa aan u mahad celinaynaa dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta iyo shirkada DP World maalgalinta ay ku sameeyeen Dekeda Berbera, taasi oo casriyaysay Dekeda, waxaana Berbera ka dhigtay xarun laga kala diro badeecadaha iyo adeegyadda dalalka jaarka ah isaga kala gudbaya.

Dhinaca kale madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa intii waraysigani uu ku jiray  waxa la waydiiyay riyadiisa ah in Somaliland ay noqoto dal madax banaan oo Aqoonsi hela ayaa waxa uu kaga jawaabay

“ Riyadaydu waa in aanu noqonay dal madax bannaan 26 Juun 1960-kii laakiin nasiib darro in aanu ilaa hadda raadinaynaa Aqoonsi caalami ah, markaasi riyadayadu waa in dalka Somaliland uu yahay wadamada mustaqbalka dunida ku soo biiraya, ma ogi, mana garan karo inta ay taasi qaadan karto, balse waxa aan jecelahay in ay taasi dhici doonto wakhti dhaw”.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ku dheeraaday ahmiyada Dekeda Berbera iyo sida maalgashigii shirkada DP World uu dunida u tusay waxaanu yidhi

“ Waxa kale oo ay shirkada DP World samaysa kaabayaal dhaqaale oo kale, isla markaasina ay ka mid yihiin Suuqa Cashuurta ka caagan ee xorta ah ee Berbera iyo marin ganacsiyeedka Berbera Corridor oo ku xidhan dalka way nee Itoobiya ee aan jaarka nahay, sidaasi darteed Berbera waxa ay noqotay meel soo jiidasho leh, iyada ooh adda soo jiidatay maalgashadeyaal kale, sidoo kale waxa imanay shirkado kale oo danaynaya Berbera, taasi oo ay sababtay maalgashiga ay shirkada DP World ku samaysay Dekeda Berbera, taasi oo saamaynta ka dhalatay ay Berberi noqotay goob dhaqaale.