Qore C/wahaab Daahir Xasan.
Awdal (Dawan) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Shucayb Cismaan Maxamuud iyo Wafti uu hogaaminayo oo ay qayb ka ahayeen Agaasimaha Guud ee Koomishanka Tamarta Somaliland Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi Malow iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Baanka Aduunka ayaa booqasho shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Borama.
Ujeedada Safarka Agaasimaha Guud ayaa daranaa soo eegista iyo qiimaynta Goobta (Site) lagu rakibi doono korontada ay Wasaaraddu ugu talo gashay in lagu kordhiyo korontada Magaaladda Borama taasi oo uu taageeraayo Baanka Aduunku si bulshada ku dhaqan Magaalada Borama ay u hesho koronto jaban, oo la isku halayn karo kana timaada ilo nadiifa.
Sidoo kale Agaasimaha Guud waxa uu kulan la qaatay Masuuliyiinta sare ee Shirkada Korontada Magaalada Borama (Awdal Electricity Company) isaga oo la wadaagay in ujeedada Wasaaraddu u maalgalinayso korontada magaalada Borama ay tahay in qiimaha koronta hoos loo dhigo, lana wanaajiyo isku halaynta korontada iyo waliba in la gaadhsiiyo qaybaha Magaalada ee aanay wali gaadhin.
Geesta kale Gudoomiyaha Gobolka Awdal Muxumed Xasan Jaamac Xoday oo waftiga uu agaasimihu hogaaminayon ku qaabilay xafiiskiisa ayaa waftiga u sheegay in mashruucani ku jiro xaalad gabogabo isagoo dhinaca kale shacabka ku dhaqan magaalada Boorama ugu bishaareeyey in ay dhawaan marka marka mashruucani dhamaado heli doonaan koranta jaban, laysku halayn karo isla markaana ku filan dhamaan reer Boorama.
Shirkadaha Korontada ee Magaalada Borama ayaa iyaguna xog-waran iyo warbixin ka siiyay Agaasimaha Guud xaalada korontada Magaalada Borama ee hadda iyo qorshahooda ah in ay hoos u dhigaan qiimaha korontada Magaalada Borama iyaga oo fuliya siyaasadda wasaaradda ee ah in qiimaha korontada hoos loo dhigo sidoo kalena la wanaajiyo tayadda iyo isku halaynta korontada.
Gabagabdii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo uu wehelinaayo Agaasimaha Guud ee Koomishanka Tamarta Somaliland iyo saraakiisha Baanka Aduunku ayaa xafiiskiisa kulan kula qaateen Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Maxamed Xasan Xoday ,isaga oo gudoomiyuhu uga warbixiyey isla markaana uga mahadceliyay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta sida ay uga go,antahay horumarinta adeegyada korontada ee dalka gaar ahaan Gobolka Awdal.