Xogihii u danbeeyay ee safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo maalintii 6-aad ku guda jira Safarka shaqo ee uu ku joogo dalka Midowga Imaaraadka Carabta kaasi oo kulamo muhiim ah la yeeshay masuuliyiin kala duwan , sidoo kalena booqday Dekedda 𝐃𝐞𝐢𝐫𝐚 𝐀𝐥 𝐗𝐚𝐦𝐫𝐚 ee Dubai, taasi oo ka mid ah Dekadaha ugu muhiimsan ee ay Ganacsatada reer Somaliland wax ka soo dhoofsadaan, ganacsigooduna uu ka goosho.
Booqashada Madaxweynaha JSL ee Dekedda 𝐃𝐞𝐢𝐫𝐚 𝐀𝐥 𝐗𝐚𝐦𝐫𝐚 ee Dubai, waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sida ay Somaliland uga go’an tahay xoojinta ganacsiga xagga Badda iyo inay xidhiidh dhaqaale oo qoto dheer ay Somaliland la yeelato Dalka Imaaraadka Carabta.
Geesta kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan la yeeshay Hay’addo kala duwan oo ah xagga Gargaarka Bulshada iyo Samafalka.
” Waxa sharaf noo ah in aanu la kulanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamerd Cabdilaahi (Cirro), intii uu socday Shirkii Dawladdaha Adduunka.” Sidaa waxa tidhi Latifa Al Qemzi oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda DP World Foundation.
Kulanka uu Madaxweynaha JSL la yeeshay Hay’adda DP World Foundation ayaa diiradda lagu saaray sidii ay DP World Foundation iyo Jamhuuriyadda Somaliland isaga kaashan lahaayeen dhinaca gurmadka degdegga ah iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Kulankan Madaxweynaha JSL la yeeshay Hay’adda DP World Foundation waxa isna ku weheliyay mudane Axmed Darwish Al Muhairi oo Agaasimaha guud ee Waaxda Arrimaha Islaamka iyo Waaxda Hawlaha Samafalka ee Dubai (IACAD) iyo mudane Mohammad Musabeh Dhahi oo ah Madaxa Waaxda Shaqada ee Samafalka, Butti Abdulla Al Jumairi oo ah Agaasimaha Fulinta ee Waaxda Taageerada Bulshada ee Shirkadaha, iyo Mudane Mohammed Suhail Al Muhairi, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Samafalka ee Hay’adda Der Al Bir.
Kulanka waxa la isku af-gartay in la sii sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Xukuuumadda Somaliland, Hay’adda DP World Foundation iyo Hay’adda Arrimaha Islaamka iyo Waaxda Hawlaha Samafalka ee Dubai (IACAD) ee la xidhiidha ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadanninimo iyo ballaadhinta dedaallada xagga gargaarka si wadajir ahna wax looga qabto baahiyaha bulshada JSL xilliyada ay soo soo wejahaan dhibaatooyinka u baahan gurmadka bini’aadanninimo.