Wiil ayaa maalin weydiiyay falsuufkii Sokhret inuu uu sheego sida guusha lagu gaadho ? faylsuufka ayaa wiilka kexeeyay waxaana uu geeyay webig, markaasi ayuu ka codsaday inay biyaha dhex galaan.
Markii ay biyaha dhexgaleen ayuu Sokhret wiilka oo aan iska filayn biyaha ku dhex tuuray oo weliba ku cadaadiyay si aanu uga soo bixin.
Markii uu waxooga ku jiray isaga oo xoogiisa oo dhan adeegsadayย ayuu sii dayaya oo ka soo baxay isagoo haftay.
Wiilka ayaa ku yidhi :โ Maxaa sidan iigu samaysay , inaan dhinto ayaad doonaysay?โ . Falasuufka ayuu ku yidhi :โ Maxaa kaa soo saaray biyaha aad ku hafanaysay?โย Wiilka ayaa ku jawaabay :โ waxaan isticmaalay xoogayga anigu aan awoodayda waxba la hadhin?โ
Sokheretย ayuu intaasi ka dib ku yidhi :โ Waxa aad gaadhay waa guushii aad doonaysay, oo ah inaad badbaado, sida aad ku gaadhayna waa awoodaada oo aanad waxba la hadhinโ. Guusha gadhideedu marka hore waa in aad fahanto isla markaa aad ku dadaashaa gaadhigeeda