Darlington Gacma-dheere Foundation oo Munaasibad Casho Sharf ah ku Maamuusay Richard iyo Suzan

0
49

Hargaysa (Dawan) Xubno ka mid ah ururka Darlington Gacma-dheere Foundation oo isugu jiray qaar ka mid ah ardaydii hore ee Dugsiga Sheekh iyo ardaydii wax ku baratay deeqaha waxbarasho ee ururkan, ayaa munaasibad casho-sharaf ah ku maamuusay Richard oo ah maamulka lacagta ee ururka iyo Susan oo ah xoghayaha ururka.

Ururka Darlington Gacma-dheere Foundation ayaa loogu magac-daray daray macalinkoodii ay jeclaayeen ee Darlington, kaas oo ardaydiisii dugsiga sare ee Sheekh ay u yaqaaneen Gacma-dheere. Ururkaasi oo uu guddoomiye ka yahay Professor Iid Caki Axmed, sidoo kalena uu xidhiidhiye ka yahay Guuleed Xasan Axmed,.

Masuuliyiintan ayaa ahaa ardaydii hore uga baxay Dusigaasi Sheekh, waxaana ka mid ahaa madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax, Prof Cabdi Ismcil Duse, Dr Moxamed Taani, Kornayl Maxamed Xujaale oo ka mid ahaa marti sharafta, xidhiidhiyaha ururka Gacmadheere Foundation Guuleed Xasan Axmed, iyo qaar ka mid ah ardaydii wax ku baratay deeqaha waxbarasho ee uu ururku ka bixiyo ee jooga magaaladda Hargaysa.

Aasaasayaasha ururka Gacma-dheere Foundation ayaa casho sharaftan ugu talogalay inay ku maamuusaan Richard iyo Suzan oo ka tirsan ururkan oo deeq waxbarasho oo bilaash ah siiya ardayda reer Somaliland, waxaana loo maamuusay dedaalka ay mudada dheer u wadeen ardayda Somaliland ee guud ahaan gobollada dalka, kaasi oo ay ka aflaxeen in ka badan lixdan arday, imikan ay wadaan waxbarashada bilaashka ah ku dhawaad 30 arday.

Ururka Gacma-dheere Foundation ayaa dedaal ku bixiyay sidii ay waxbarasho bilaasha ah u heli lahaayeen ardayda reer Somaliland ee hibada waxbarsho leh, isla markaasina u baahan cid gacan qabata oo gaadhsiisa halka ay hig-sanayaan.

Munaasibadan casho sharafta ah ayaa daaranayd maamuus iyo mahadcelin loo sameeyay Richard iyo Suzan oo kaalin ka qaatay sidii uu ururka Darlington Gacma-dheere Foundation u gacan qaban lahaa ardayda hanka sare leh ee xaga hore ka gala waxbarshada dalka.