Wasiirka Beeraha oo Sariibad U Dhagax-dhigay Ganacsatada Khudaarta ee Suuqa Magaalada Burco

0
51

Qore Khadar M .Xaashi

Burco (Dawan) Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa Sariibad u dhagax-dhigey ganacsatada khudaarta ee suuqa magaalada Burco.

Munaasibadda dhagax-dhigga waxa goob-joog ahaa guddoomiyaha gobolka Togdheer, agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha, Isu-duwaha wasaaradda ee Gobolka Togdheer, madaxda hay’adda FAO iyo Masuuliyiin kale.

Dhanka kale waxa uu sheegay in dhismaha Sariibadani ay ka faa’iideysan doonan laba boqol iyo konton qof oo qorax jooga, kuwaas oo sidoo kalena maalgelin loo sameyn doono, waxaanu uga mahadnaqay hay’adda FAO, sida ay markasta u garab taagan tahay bulshada JSL, guud ahaan.

Waxaanu yidhi.“Farxad weyn ayay noo tahay in aanu ka soo qaybgalo dhagax-dhiga Sariibadan, hay’adda Fao, maaha markii koowaad ee ay wax noo qabato, waxaanu rajeynayna in dhisme tayo-leh wakhtigiisiina ku dhammaada noo sameyso, haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Dhismahan 250 oo bannaan jooga ayaa ka faa’ideysan doona, oo waliba la maalgelinayo, wax yar maaha, waxaanu ALLE ka baryayna inuu inoo siiwado, hay’adda FAO-na waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin waxqabadka aad kawadaan guud ahaan JSL,”