Qore Boqore Axmed Cabdi
Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane ayaa kulan xog-wareysi ah la qaatey maalgashatada Somaliland iyo qaar ka mida Qurba Joogta Dalka.
Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshedaha Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Maxamed Buraale oo furay madashii Maalgashatada gudaha dalka, maalgashatada dibada iyo sidoo kale qaar ka mida qurba joogta ayaa ka xog waramay in waxyaabaha ugu waawayn ee safarkii madaxwaynuhu ku tagey dalka Imaaraadka la isla meeldhigay ay ahaayeen maalgashiga iyo goobta muhiimka ah ee ay Somaliland ku taallo waxaanu tiilmaamay
Kulankaas oo ka qabsoomey Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ugu horeyn ka hadley agaasimaha Waaxda Maalgashiga ee Wasaarada Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Marwo Hibaaq Cali Cabdoo waxaaney ka warbixisey ujeedada kulankaas uu daaranaa waxaaney xustey in kulnakaas uu ahaa mid isbarsho iyo xog-wareysi oo wad yeesheen Masuuliyiinta Wasaradadas iyo Dadka Maalgashada Somaliland.
Iyadoo Marwo Hibaaq sheegtay in kulankaas Masuuliyiinta maalgashatada shisheeye ku ogaanayaan fursadaha maalagshi ee dalka ka jira iyo sidii horumarin ugu sameyn lahaayeen Maalgashada u dhashey Dalka.
Dhankiisana, agaasimaha guud ee wasaarada wasarada horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdifataax ismaaciil Ducaale ayaa sheegay in wasaaraddoodu ujeedada ay u aas-aasan tahay Dhiirigalinta Ganacsatada iyo Maalgashatada ee Dalka.
Waxaanu agaasimuhu tilmaamey in Masuuliyiinta wasaradadaasi Ganacsatada iyo Maalgashatada u fududeeyaan wixii siyaasado horumarineed ah u bahadaan, isla markaasina, agaasimuhu waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Wasaradadaas diyaariyeen Qorshayaasha Siyaasadeed ee la xidhiidha arrimaha horumarinta Maalgashatada iyo Maalgashiga ee wadanka, gaar ahaanna wixii shuruuc ah ee lagu hagaayey Maalgashatada Wadanka.
Waxaanu agaasimuhu u balanqaadey in ka caawin doonaan Maalgashatada wadanka wixii shuruuc ah uga baahdaan.
Wasirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Mudane Siciid Maxamed Buraale oo kulankaas si rasmi ah u furey ayaa uga mahadceliyey ka soo qaybgalayaashii kulankaas, waxaanu wasiirku sheegay in mudada uu kulankaas socdo lagaga wado arrinsan doono caqabadaha jira ee xagga maalgashiga Dalka iyo sidii loogu heli lahaa Xal waara.
Gaba-gabadiina waxa uu faahfaahin dheer ka bixiyey ahmiyada kulanka noocaas oo kale ahi u yeelan doono Maalgashatada doonaya in Maalgashadaan Wadanka.
Waxaanu yidhi.“Waad og tihiin madaxwaynaha safarkiisii labaad ee Imaaraadka qodobadii ugu muhiimsanaa ee la isla soo meel dhigay ama ay Somaliland iibinaysay waxa uu ahaa Maalgashiga, wadankeenu waa wadan barwaaqo ah qiime wayn ayuu Caalamka ku leeyahay marka la eego halka uu kaga yaalo iyo nimcada uu ILLAAHAY ina siiyay ee aynaan garanayn eek u gadaaman.
Maanta Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxaa ka go’an in ummadeenu wadanka ay maalgashato, nimacada ILLAAHAY ina siiyay aynu la soo baxno”.