Hargaysa (Dawan)Kulan ay iskugu yimaadeen gudda dhaqaalaha ee golaha Wasiirada iyo daneeyayaal kale oo uu ka mid yahay Banka dhexe ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa isla markaana ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga dhaqaalaha ee golaha wasiirada ayaa lagu falnqeeyey arimo laxidhiidha xaalada dhaqaalaha ee Somaliland.
Kulankan ayaa warbixin laga dhagaystay Agaasime waaxeedyada dhinaca maaliyada ee wasaaradda Maaliyada, Baanka Dhexe iyo Qorshaynta.
Kulankan ayaa gogol xaadh u ahaa Shirwaynaha Sanadlaha kaaso oo Somaliland Sandkiiba hal mar kadhaca kaasi oo looyaqaan madasha dhaqaalaha Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillahi Xasan Aaden ayaa sheegay in ujeedada kulankani daaran tahay in koox farsamayaqaano oo ay hore u direen gudida dhaqaaluhu oo ka iskugu jiray Agaasime waaxeedayada Wsaaradaha Maaliyada Qorshaynta iyo Baanka dhexe sidii ay iskula arki lahaayeen wixii ay soo diyaariyeen kaas oo lagu hagi doono nidaamka dhaqaalaha sidii ay u lafaguri lahaayeen.
“Waxa aynu maanta is kugu nimid si aynu u lafo-gurno qorshaha dhaqaalaha Dalka, si aynu u yeelano ku-talo-gal aynu ku hawl-galno mustaqbalka”.Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha Maxamed Xasan Saleebaan ayaa isaguna dhainaciisa ka warbixiyey kulanka isagoo sifaah faahsan uga hadlay waxana uu sheegay in ujeedadu tahay sidii macluumaad looga ogaan lahaa dhaqaalaha iyo sidii loo samayn lahaa jadinta nidaam dhaqaalaha lagu horumarin lahaa.
“Sid aynu Nidaamkeena dhaqaale u samayno Waxaynu doonaynaa in aynu samayno Nidaam la xidhiidha NDP2 geenii la xidhiidha, qorshihii xisbiga la xidhiidha, si aynu nidaamkaa dhaqaale u soo bandhigno waxaynu doonaynaa bal in aynu 11 qodob oo ka mid ah dul istaagno guud ahaana kulankeenu waa intaas”Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda.