WEEDHA WARGEYSKA Waa in ay Sir iyo Sargooyo yeeshaan diblomaasiyadda iyo Dannaha Qaranku!!

0
84

Soohdimaha istaraatiijiyaddeed ee Waddan waliba waxa ay dhacaan ama ku jooggaan halka ay ku dhamaadaan dannihiisa siyaasaddeed, amni, dhaqaale iyo nolol-bulsheed.

Sidoo kale Danaha Qaran ee dal kastaa ilaalshadaa waxay ku taxaluqaan qodobadan aynu kor ku xusnay, gaar ahaan Amniga, Nololsha bulsho iyo koboca Dhaqaale, kuwaasoo udub-dhexaad iyo iftiin u ah jiritaankiisa.

Dalna lama dan Qaran aha waddan kale, haddii ay noqdaana mar kasta waxa jira kala duwanaansho sabab u noqda hirdan iyo xeelad-socod aamusan oo ka dhexeeya Dawladdaha gaashaan-buurta ah laftooda.

Sidaasi darteed, Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu leeyahay danno Qaran oo ku qeexan rukumada waaweyn ee uu ku dhisan yahay Waddanku, waxaana ugu culculus nabad-gelyada iyo Barwaaqaynta Waddanka iyo deddaalada aynu ugu jirno helida Aqoonsi aynu mar kale ugu soo noqono goleyaasha Caalamka.

Amniga Qaranka: Marka aynu kala gurno qodobada ugu waaweyn ee Dannaha qarankeena, Amnigu waa seeska koowaad ee aasaaska Dawladnimo iyo adimada Qaranku ku taagan yahay, kaasoo aanay la’aantiisa wax kasta oo kale dhadhan iyo micno yeellanayn, isla markaana hadba sida aynu ugu farro-daygnaa damaanad ka bixinayso Jiritaanka Dalnimo iyo Dawladdeed. Taasina waa sababta ay dawladdu dhaqaalaha ugu badan ee Miisaaniyadda Qaranka ugu bixiso horumarinta hay’adda amniga iyo si guud ilaalinta nabadgelyada Dalka, waxaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo, iyadoo kor loo qaadayo wacyiga bulshada ee ahmiyad-siinta iyo ka qaybgalka ka-hortagga amni-xumooyinka.

Waxaanay taasi xilligan muhiim u tahay, mar kasta oo aynu horumar ka samayno siyaasadda dibada, waxa uu cadowgeenu xoogga saarayaa sidii uu khalkhal iyo khaakhuul ugu abuuri lahaa xasilloonida iyo nabad-gelyada Dalkeenna. Waxaana haboon in mar walba maanka iyo maalin-socodka lagu hayo inay guul kasta oo ay raadinayso siyaasaddeena arrimaha dibaddu ay uga shidaal qaadanayso badqabka iyo sugnaanshiyaha amniga iyo arrimaha gudaha Waddanka. Waayo, dal kasta waxa siyaasaddiisa khaarajiga shidaaliya xaaladdaha ka jira arrimaha gudaha.

Koboca Dhaqaale: Kobcinta Dhaqaalaha iyo barwaaqadu, waa qodob kale oo tiirrar iyo tamar u ah Dalka, waxaanu jaan-gooyaa himillooyinka iyo hadafyada Qarannimo. Si kale haddii aynu u sheegno waa tamarta iyo xoogga ka muuqda ama laga dheehdo Tunka iyo taggoogta Dawladdeed, waxaana asal u ah oo laga qiimeyaa Wax-soo-saarka iyo horumarka xirfaddeed ee Dalka. Tirada bulsho iyo tayada aqoonneed ee ay leeyihiin dadku ayuu sidoo kale qodobkani tixgeliyaa. Sidaas darteed Qaran Somaliland ahaan, heli mayno horumar dhaqaale iyo maal-gashi dibaddeed oo waxtar leh , haddii aynaan ilaallin, oo aynaan abaabulin isku-tashi wax-soosaar iyo tacab xooggan oo aynu ku baytimaalinayno khayraadka Waddankeenna. Qodobkan marka aynu ka hadlayno waxa muhiima inaynu awood badana gelinaa suulinta saboolnimada, si lamida la-dagaalanka Jahliga iyo afkaarta khaldan.

Aqoonsi-raadinta: dib-u-aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamku waxa uu u soo ifayaa sida Kaaha ka soo horeeya cadceeda iyo dayaxu markay soo baxayaan. Waana mid kamida dannaha waaweyn ee Qarankeenna, hase yeeshee waxa iftiin iyo ishaarro u ah labada arrimood ee aynu kor kaga soo hadalnay oo lagu daray sir iyo sargooyo siyaasaddeed oo lagu salaynayo socdaallada suurtogelintiisa. Ma jirto dhalasho si fudud lagu ilmo keenaaye waxa ka horeeya fool iyo xanuun badan ka dambeeya adkaysi iyo geedi-socod culays badan lahaa, waxaanu midho-dhalku noqdaa bugsasho iyo badhaadhe wax korodhsi.

Qodobkani waxa uu si gaar ah u khuseeyaa siyaasaddeena arrimaha dibadda iyo hawlgallada diblomaasiyaddeed aynu qaadayno, waxaana xambaaraya sawirka guud ee Dalka iyo hab-dhaqanka dawladdeed ee aynu leenahay. Waxaynu nahay dal la yaqaano juquraafiyaddiisa Dhulleed, abtirsiintiisa Dad iyo magaciisa soo jireenka ah, balse waxa inna horyaallaa waa Imtixaanno fudud oo aynu kaga gudbayno hadba sida aynu uga shaqayno iyo hababka aynu uga jawaabno waydiimaha innagu soo baxa. Guushii ay Weftiga Madaxweynuhu ka soo hooyeen shirweynihii dawladdaha caalamka ee todobkii hore ka dhacay Magaalada Dubai iyo dariiqii looga shaqeeyay doorka dalkeenu ku yeeshay madashu waxay ahaayeen laba arrimood oo isu-dhigmay, isla markaana halbeeg wanaagsan u noqonaya shaqada siyaasadda dibadda ee Waddanka.

Waxa laysku waafaqsan yahay in meeqaamka sare ee Shirkaasi Somaliland laga siiyey ku yimi hawlihii uu madaxweynuhu ka soo qabtay Imaaraadka Carabta Safarkiisii hore ee uu ku tegay dalkaasi, kaasoo uu isticmaalay xeelad diblomaasiyaddeed oo qarsoon, islamarkaana uu ku soo unkay xadhko adag oo sabab u noqday goolkii weynaa ee uu madasha ka dhaliyey 11-kii bisha markii shirku furmay.

Sidaasi awgeed, xukuumadda Somaliland iyo cid kasta oo kala qaybqaadanaysa hawlaha aqoonsi-raadinta waxa aynu boorinaynaa inay ku shaqeeyaan hannaan dablomaasiyaddeed oo aanu cadowgu ka helin karin gol-dalloolo uu ku burburiyo dannaheenna, isla markaana waa inay ka foggaadaan dabinnada diblomaasiyaddeed ee laysu dhiggo, sida in kor loo qaado dallabaad kasta oo innagaga yimaada siyaasaddo dibaddeed. Dalka kasta oo aynu macaamil la yeellanayno inta aynaan shaacin xidhiidhkeenna waa inaynu si qarsoon wadahadallo ugala yeellanaa danta aynu ka leenahay iyo ta aynu ugu bedellayno, si aynu uga foggaano in fursadaheenu qabyo ku gubtaan, kuwo aynu haynayna u xagal-daacaan. waayo? Dunida waxa ku hirdamaya Dawladdo ay ka dhexeeyaan isdiidmooyin iyo dagaallo istaraatiijiyaddeed, markaa waa inaynu laba isdiiddan geed ku wada maalnaa iyaddoo aynu kala ilaallinayno inay is-ogaadaan ama ay is-gaadhaan. Sidoo kale, dhamaan hay’addaha Dawladdu waa in aanay xidhiidh iyo wada-shaqayn la yeellan Ururro sheegta samofalleyaal ama Wakiillo Dawladdo shisheeye, iyaddoo aanay wasaaradda arrimaha dibadda, Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynuhu ogolaanshiyo siinin. Shirkaddaha ajaanibka ah ayaa iyaguna waddadan oo in la mariyo ay tahay. Xog kasta oo kamida cutubka aqoonsi-raadintuna waa inuu ku ilaashan yahay gacmo kooban iyo maamul kooban.

Ugu dambeyn, haykal, haybadda iyo hayaanka Qarannimo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa u furmay bog cusub oo u baahan in laga foggeeyo wasakhda iyo wax kasta oo aan u qalmin inay ku qormaan. Sidaas awgeed qadiyaddaas iyo kuwa kale ee taabanaya dannaha qarankuba waxay u baahan yihiin waajibaad culus oo foojignaan leh in lagu gudto, lagana dheereeyo dheeldheeli iyo dhaliil kasta oo dhabar-jab ku keenaysa. Aynu ku dhex soconno dunida isu wada dhaaranaysa.