Booliska oo Gacanta ku Dhigay Dad ka Ganacsanayey Harimacad

0
52

Qore C/Wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan qaybta ladagaalanka kootarabaanka iyo Wasaaradda Deegqanka iyo Isbadalka Cimilada ayaa sheegay in hawlgal muddo Saddex cisho ah socday ay gacanta ku soo dhigeen Afar dhalo ah oo xayaawaanka looyaqaan Harimacadka ku waas oo si sharcidaro ah looga ganacsanayey.

Dhalahan yar yar ee Haramacadka ah ayaa sida Booliska cadeeyeen laga keenay deeganka gobolka Hawd isla markaana lagu hayey Xaafadka ka mid ah magaalada Hargeysa, sidoo kalena dadaal dheer oo ay maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen Ciidanka ladagaalka kootarabaanka iyo Wasaaradda Deegaanka oo is garabsanayaa ay gacanta ku soo dhegeen dadkii sifaha sharcidarada ah uga ganacsanayey Harinacadka.

“Hawlgal Saddex cisho qaatay dabadeed waxa aanu ku soo guulaysanay in aanu gacantayada soo galino afartaasi Harinacad oo ah dhalo yar yar oo laga soo hoos qaaday Hooyadood”Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland.

Ciidanka Booliska ayaa digniin u diray dadka dagan meelaha baadiyaha ah ee Somaliland in ay isku dayaan kaganacsiga soona qabsadaan duurjoogta isla markaana ku amray in duurjoogta ay u daayaan duurka ay ku dhaqan yihiin.

“Duurjoogta Duurkooda haloo daayo, mawoodaan inaad xanaanaysaan, ganacsi hadaad kula kacdaana dambi ayaa ka dhalanaya” ayuu yidhi afhayeenka Ciidanka Booliska.

Geesta kale waxa dhankiisa ka hadlay Masuul ka socday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada kana warbixiyey Afarta Harimacad ee lagu dhex iibinayey gudaha magaalada Hargeysa waxana uu xusay in qabashada falkan ka ganacsiga Harimacadka dadkii ku lugtalahaa qabashadoo ay Ciidanka ladagaalanka kootarabaanka gacan ka siiyeen Wasaaradda soo qabashadooda.

Waxa sidoo kale uu sheegay in ay mamnuuc tahay in laga ganacsado, lahaysto, la iibiyo noockasta oo ka mid ah duurjoogta sida uu dhigayo Xeerka ilaalinta khaymaha iyo Duurjootu, isagoo hadlaka sii wata ayaa waxa uu xusay in duurjoogtu tahay khayraad wadanku leeyahay isla markaana aanay jirin cid si gaar ah u sheegan kartaa.

Gabagabadii Sarkaalkan ka sicday Wasaaradda Deeganka iyo Isbadalka Cimilada ayaa sheegay in wasaaraddu marwalba heegan u tahay sidii Duurjoogat Duurkeeda loogu ilaalin lahaa waxana uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqay in ay kala qayb qaataan wacyigalinta ilaalinta duurjoogta.