Olole Nadaafadeed oo laga Fuliyay Degmada Qulujeed ee Gobolka Awdal

0
50

 

Qore Khadar M .Xaashi

Qulujeed (Dawan) Maamulka degmada Qulu-jeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo fulinaya amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Awdal, ayaa sameeyay olole lagu nadiifinayo degmadaasi.

Ololahan waxa hoggaaminayay guddoomiyaha degmada Qulu-jeed Maxamed Hudaan Cismaan, waxaaney ololahan ka fuliyeen qaar ka mid ah goobaha lagu qabto adeegyada caafimaadka.

Guddoomiyaha Degmada Qul-ujeed waxa uu bulshada kula dardarmay in goobihii Qashinka laga soo nadiifiyey in laga ilaaliyo Qashin dambe in la dhigo, iyadoo Guddoomiyuhu Bulshada Degmaddaas uu ka codsadey in Qashinka la geeyo goobaha loogu talogaley ee ku yaala Degmadaas.

Waxaanu yidhi.“Guddoomiyaha gobolka Awdal waakii isugu yeedhay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka hoos yimaada, waxaanu na faray in degmooyinka gobolka hoos yimaada oo dhan laga qabto olole nadaafadeed, bulshada degmada Qolujeedna tiibay fuliyeen.

Waan u mahadcelinaya bulshada weynta degmada Qulujeed oo sameeyay olole nadaafadeed, bulshaduna yar iyo weyn umay kala hadhin, aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin, haddii ALLE qadaro horumar ayaynu sameynayna, horumar ayaa degmada ka socda, dowladdana waxaanu ka codsanayna inay gacan naga siiyaan helitaanka gaadiid lagu ururiyo qashinka”.