Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan)Shirwaynaha Qaran ee ilaalinta Deegaanka iyo la tacaalida isbadalka Cimilada oo muddo Laba maalmood ah ka socday Magaalada Hargaysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lasoo gabogabeeyey.
Shirwaynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada ayaa waxa uu ku saabsanaa kor u qaadida wacyiga iyo fahamka Bulshada Somaliland ee dhinaca Deegaanka iyo Cimilada ayaa intii uu socday waxyaabihii diiradalagu saaray iyo war murtiyeedkii kasoo baxay waxa madasha shirka lagusoo gabogabeeyey ka akhriyey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire.
Shirkan Qaran ee mudada labada cisho socday ayaa sida wasiir Geeljire war murtiyeedka ka akhrinayey ayaa diirada lagu saaray muwduucyo ay ka mid ahaayeen Horumarinta Tamarta la cusboonaysiin karo, ilaalinta kala duwanaashaha Noolaha iyo maaraynta deegaanka.
Waxa kale oo shirka lagu lafa guray sida wasiirku sheegay hab nololeedka Bada iyo ilaalintooda, soo bandhigida hindisayaasha Cimilada.
Gabagabadii War-murtiyeedka ka soo baxay Shirkan ayaa waxa uu u dhignaa sidan.
Shirku waxa uu ku baaqayaa fulinta siyaasadaha, Xeerarka, habraacyada,qorshaha laqabsiga iyo isbadalka cimilada ee la xidhiidha qorshaha horumarinta Qaranka NDP3.
Shirku waxa uu aqoonsaday muuhiimada iskaashiga dawladda iyo ganacsiga gaarka looleeyahay oo ku saabsan hindisayaasha tamarta la cusboonaysiin karo iyo tignoolajiyada lagu tashiilo tamarta si loo yareeyo isticmaalka dhuxusha ee qoysasku istocmaalaan.
Shirku wuxu soo jeedinayaa in la sameeyo daraasad lagu qiimaynatyo dhibaatooyinka ay sibadalka Cimiladu u keento deegaanka.
Shirku waxa u uku baaqayaa in la sameeyo istaraatijiyada Qaranka ee lagu badbaadinayo kala duwanaanshiyaha noolaha.
Shirku waxa u uku talo bixinayaa xoojinta iskaashiga hayadaha caalamiga ah ee maal galiya isbadalka Cimilada iyo dhiiri galinta tignoolajiyada cagaaran, kaabayaasha deegaanka u roon iyo hal abuurada u adkaysiga cimilada.
Shirku waxa uu soo jeediyey in la sameeyo aagga ilaalinta Badda si loo badbaadiyo kala duwanaanshiyaha noolaha Badda ku jira iyo deegaan xeebeedka iyadoo diirada la saarayo Shacaabiga, Geedka Tikhayga iyo kaydka Kaluunka oo muhiim u ah sugnaanta Cuntada iyo hab nololeedkooda.
Shirku waxa uu soo jeedinayaa barnaamijyada garaad kobcinta Bulshada Rayidka ah iyo wadaagida xogta si loo xoojiyo kartidooda hal abuureed ee yaraynta iyon la qabsiga saamaynta isbadalka Cimilada ee heer Bulsho.
Shirku waxa u uku baaqayaa in la beero Hal Milyaan oo Geed dhamadka sanadkan 2025, iyada oo lala kaashanayo daneeyayaasha wada shaqaynta dhaw la leh Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada sida Dawlaha Hoose hay’adaha iyo wixii lamida.
Shirku waxa uu soo jeedinayaa in la xoojiyo nidaamyada digniinaha iyo odoroska fariinta saamaynta ku leh isbadalka iyo masiibooyinka dabiiciga ah.
Shirku waxa uu soo jeedinayaa in la sameeyo sanduuq dhaqaale o u gaar ah ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashada saamaynta ay ku yeelato isbadalka cimiladu. Sanduuqan dhaqaale waxa ay u jeedadiisuy tahay in la qaado talaabooyin wax ku ool ah oo lagu daryeelayo deegaanka si loo xoojiyo u adkaysiga iyo la qabsiga isbadalka cimilada.
Shirku wuxu soo jeedinayaa in la helo ciidan la shaqeeya Wasaaradda kaaso oo si gaar ah ula shaqaynaya oo laga soo xulo ciidanka Booliska Jamhuuriydda Somaliland siu u ugala hawlgalo ilaalinta deegaanka oo la dajiyo xarumaha Wasaaradda ee Gobolada Dalka.
Samaynta gudiga talabixinta horumarka joogtaysan sida uu Xeerka deegaanku uu sheegayo Qodobkiisa 6aad.
Shirku waxa uu soo jeedinayaa in dawladu joogtayso cashuur dhaafka Gaaska LPG ee wax lagu karsado iyo qalabka la xidhiidha Tamaraha kala duwan ee deegaanka la saaxiibka ah.