“Aniga oo ah halgamaa Mujaahid dahsoon Cbdi Gaas Cali oo degen Germany, waxaan maanta oo ay Taariikhdu tahay 15/02/2025 ku beegan 16 Shacbaan 1446 Baaqan Nabadeed u dirayaa Bulshada gobta ah ee Reer Somaliland. Allah ha waafajiyo tubta toosan ee Nabada. Bulshada Reer Somaliland dhammaan teed waa isku mid ul iyo diir. Waxay wadaagaan Af, Dhaqan iyo Diin, waxay ku wada nool yihiin dhulka Ilaahay ka dajiyey Geeska Africa. Waxa ayaan darro iyo caqlixumo ah in Bulshadaas Walaalada ah ay ku soo noqnoqdaan colaada iyo dagaalada sokeeye ee sababa halaaga, burburka iyo barakac baahsan oo laga baaqsan karay haddii Alle kacabsi jiri lahaa, balse bedel keeda waxa loo hogaansamay camalka sheydaanka ee Allah inooga digay.
Bulsho wada degen oo walaalo ah waa waxaan la qaadan karin in cadaawada heerkaas gaadhsiisani dhex marto oo la isu adeegsado hubka halista badan ee loogu talagalay cadawga dibeda. Tabasho iyo khilaaf waa dhici karaa waana laga heshiin karaa. Khilaaf iyo muran kasta waxa lagu dhameyn karaa wada hadal iyo isqancin Allah ayaa sidaas ina faray. Dawladnimadu waxay ka kooban tahay qoyska, tuulada, degmada, gobolka iyo ugu dambbeyn qaranka oo ah barkulanka Dawlad loo dhan yahay.
Goboladu way u madax banaan yihiin maamulkooda, Dawladda Dhexe ee heer Qaran looma nisbeyn karo dib u dhaca ku yimaada. Maamulada Gobolada waxa laga rabaa inay la yimaadaan qorshe shaqo sanadle ah oo ku saleysan mashaariic horumarineed, iyadoo wixii taakulo ah la weydiisanayo Dawladda Dhexe. Waa in maamulka heer Tuulo, heer Degmo ilaa heer Gobol gacmaha la is qabsado oo loo dareero shaqo iyo waxsoosaar si loo cidhibtro sabool nimada.
Bulshada Reer Somaliland ee aan ka dhashay ee gobta ah Bari iyo Galbeed, waxaan leeyahay Allah ha laga cabsado hala toobad keeno wixii dhacayna halaga heshiiyo hala isa saamaxo waxa lagu jiraa Bilihii Barakeysnaa. Khilaafka iyo tabashooyinka halagu dhameeyo sidii Odoyaasheenii hore ee gobta ahaa ay ku dhameyn jireen. Waxaan leeyahay Maxaabiista lakala haysto labada dhinacba ha loogu naxariisto fadliga Bilahan barakeysan shuruud la’aan halagu sii daayo xabsiyada muddada dheer ay ku xidhan yihiin. Askarigu bulshada ayuu kamid yahay waala xukumaa waana amar fuliye.
Intaas waxa ii raaca oo aan leeyahay Madaxweynaha, Siyaasiinta kale, Madax dhaqameedka, Aqoon yahanada, Culumada Diinta iyo Shirkadaha waaweyn ee Reer Somaliland gacmaha is qabasada xubin kasta kaalinteeda ha ka qaadato sidii Bulshadeena tabaaleysan loogu jahayn lahaa wax soo saar shaqo siiba dhinacyada beeraha, xoolaha nool, kaluumeysiga iyo milixda. Dhulkeena nimco ayaa taala wuuna inagu filan yahay. Tan kale, waxaan leeyahay Maatada dagaalada ku barakacday ee dhibaateysan ha lugu soo celiyo guryahoodii ay ka qaxeen hana loo fidiyo wixii taageero ah. Wa Billaahi Towfiq.”
Mujaahid dahsoon Cabdi Gaas Cali