Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa Daahfuray barnaamijka deeqda waxbarasho ee ardayda ay dhaleen Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka daahfurka deeqda waxbarasho ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Mudane Cabdalle Maxamed Yuusuf waxaanu sharaxaad ka bixiyey ujeedka kulanka iyo Muhiimada uu qaranka u leeyahay, isaga oo sidoo kalena ku dheeraaday ka wasaarad ahaan muhiimada ay siinayaan waxbarashada ardayda ciidanka qaranka.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaa si faahfaahsan uga waramay kulanka deeqda waxbarasho ee dhinaca Diiniga ah, kaasi oo lagu taageerayo ardayda ay dhaleen Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu sheegay
“Sidaasi uu Agaasimaha guud sheegay barnaamijkan ujeedkiisu waxa u daaran yahay in taageero iyo barbar tag loo muujiyo ama la siiyo ciidamada Qaranka Jamhuuiyadda Somaliland qaybahooda kala duwan.
Taageeradaasi oo ah in deeq waxbarasho oo xagga Madaariska Qur’aanka iyo Macaahid Islaamiga ah la siiyo ardayga yar ee Askarigu uu dhalay, waa masuuliyadda ina wada saran Askariga hadh iyo Habeen innaga amaankeena u soo jeeda ee marna u dhimanaya marna u dhaawacmaya, in aynu innaguna ka fikirno caruurtiisa mustaqbalkooda, waxbarashadooda iyo caafimaadkooda iyo in ayn nolol wanaagsan oo la mid ah nolosha dadka kale inay ku noolaadan”.
Wasiirb Cabdilaahi Daahir Jaamac ayaa tilmaamay in barnaamijkani yahay mid ay xukuumada cusub qaadatay, kaasi oo madaxwaynuhu hore u ballan-qaaday taageerada ciidanka Qaranka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, ka wasaarad ahaana aanu fulinayaan inta ka khusaysa ee waxbarashada Diiniga ah waxaanu yidhi
“Arrintaasi waa siyaasad xukuumadda cusub ay qaadatay, waxaanay ku salaysan tahay ballan-qaadkii madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ballan-qaaday in la taageero oo la barbar istaago noloshoodana kor loo qaado ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxwaynuhu wuu qaaday tallabadii koowaad waxaanu u kordhiyay mushaharkii ciidamada Qaranka arrintaana wuu ku dhawaaqay, wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu markii ay la tashi la samaysay Jimciyaadka iyo Madaarista maamuleyaashooda guud iyo masuuliyiintooda dalka oo dhan , waxa la go’aamiyay ciidankeena Qaranka ee sharafta leh qaybihiisa kala duwan in la taageero, caruurtooda in wax la baro, in xil la iska saaro waxbarashada dhinaca Diiniga ah ee wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ay u xil saran tahay”.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo daahfuray barnaamijkan waxbarasho ayaa tilmaamay in wajiga koowaad ee barnaamijkan ay ku bilaabi doonaa 1000 arday oo kuwa ciidanka ah isla markaasi la siin doono waxbarasho Diini a oo bilaa lacag ah waxaanu timaamay
“Annagu doorkayaga waxa aanu go’aaminay oo aanu isla qaadanay Jimciyaadka iyo maamulada Madaarista in wajiga koowaad 1000 arday oo ah ardayda ciidanka Qaranka in waxbarasho bilaash ah la siiyo”.
Intaa kadib waxa hadalka iskaga kala dambeeyay masuuliyiinta Jamciyaddaha Quraanka Kariimka iyo taliyaha la dagaalanka mukhaadaraadka waxaanay dhamaantood sheegeen in ay barnaamijkan soo dhowaynayaan, isla markaasina ay qaybtooda qaadanayaan sidii ardayda ay ciidamdu dhaleen u heli lahaayeen waxbarasho Diini ah oo bilaasha ah
Gebo’gabadii wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland oo isna munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhowaynayo barnaamijkan cusub ee ay daahfurtay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxaanu ku dheeraaday mihiimada ay ciidamada Qaranku u leeyihiin dalka iyo dadkaba.
Wasiirka ayaa tilmaamay inay tallaabadani tahay mid loo baahnaa oo wakhtigeed la hirgalinayo, sidoo kale waxa uu wasiirk intaasi ku daray in ka wasaarad ahaan ay kala shaqaynayaan wasaarad Diinta iyo Awqaafta Somaliland sidii oo barnaamijkani u noqon lahaa mid fula oo dhaqan-gala.