Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Hawd Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa kormeer-shaqo ku marey Degmada Sayla ee Gobolka Hawd iyo Deegaanada hoos yimaada.
Kormeerka shaqo weftigaas ku marayo Degmadda Sayla Bari ayaa salka ku hayay xog-ogaal u noqoshada xaaladda nololeed ee dadka iyo duunyada ku nool degmaddaas iyo deegaanadda hoos yimaada.
Guddoomiyaha ayaa waxaa safarkiisa shaqo qayb ka ahaa Maayirka iyo Maayir ku xigeenka Degmadda Balli-gubadleh, xoghayaha Gobolka Hawd, taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Howd, xubno ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Deegaanka Balli-gubadleh iyo qaar ka mid ahaa isu-duwayaasha laamaha dowladda ee ka howlgala gobolkaasi.
Guddoomiyaha gobolka Hawd Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan iyo Weftigaas uu hogaaminaayey ayaa markii uu gaadhay degmada Sayla, waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey maamulka degmadda Sayla iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool degmadaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Hawd iyo weftigaas uu hogaaminaayey ayaa kormeer indho indheyn ahaa ku soo marey goobo ka mid ahayaeen Xarunta lagu xanaaneey Hooyada iyo Dhallaanka (M.C.H)-ka ee Degmadda Sayla, saldhiga Booliska degmada Sayla iyo Dugsiga hoose dhexe ee Degmaddaas iyo Riig Biyoodka degmadaas ka cabto.
Sidoo kale waxa uu kormeerkiisa Iyadoo, uu ugu kuurgalaayey xaalada waxbarshada iyo caafimaadka ee ka jirta deegaanada Baargoo iyo Badhyo Cunne ee Degmada Sayla ee Gobolka Hawd, waxaanu guddoomiyuhu halkaasi Warbixino kala duwan kaga dhageystay howl wadeenada ka hawlgala goobahaasi.
Gaba-gabadii guddoomiyaha gobolka Hawd Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan waxa uu xusey in Dhawaan uu dhagax dhigey Madaxweynaha JSL, Mudane- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Wadada isku xidhi doonta Magaalooyinka Balli-gubadleh iyo Hargeysa, iyadoo Waddadaas ka qeybqaadan doonto horumarka Gobolkaas ka socda, isla markaasina, Waddaasi ahmiyad gaar ah u leedahay Gobolkaasi iyo Degmooyinka hoos yimaada.