Isu-duwaha wasaaradda Dib-u-dejinta ee Gobolka Saraar oo Kormeeray Kaamamka Barakacayaasha Caynabo iyo Wadaama-goo

0
30

Caynabo (Dawan) Isu-duwaha wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha bani’aadmnimada Gobolka Saraar Mudane Maxamed Cawli Caydiid, ayaa kormeeray kaamamka barakacayaasha Caynaba iyo Wadaama’goo.
Isu-duwahaas iyo Masuuliyiin ka tirsan wasaraddaasi ayaa kormeer indho- indheyn ahaa ku tagey Kaamamka barokacayaasha ee Magaalooyinka Caynaba iyo waadaama’goo, iyagoo Masuuliyiintaas u kuurgalaaiyey xaaladda nololeed ee dadka danyarta ah ee ku nool kaamamakaasi.
Isu-duwaha ayaa goobtasa warbixino kala duwana kaga dhageystay guddiyadda kala duwan ee kaamamka Barakacayaasha Magaalooyinka Caynaba iyo Wadaama’goo, iyagoo guddidayadu Warbixintooda ku sheegay sidii adeegyada arrimaha bulshada kor u qaadis loogu sameyn lahaa, isla markaasina baahiyaha haysata wax loola qaban lahaa.
Masuul ku hadlaayey afka Masuuliyiinta wasaradda dib-u-dajinta iyo arrimaha Bani’aadantimimada oo la hadley dadka Barakacayaasha ee ku jira kaamamkaas ayaa u sheegay in Warbixinta Dadkaas danyarta ah gaadhsiin doonaan Masuuliyiinta wasaraddaasi, iyadoo Warbixintooda u gudbin doonaan ka wasaarad ahaan, hay’addaha wado shaqeynta leeyihiin, si wax loogu qabto bulshada danyarta ah ee ku nool Kaamamka Barakacayaasha Magaalooyinkaas.
Gaba-gabadii Isu-duwaha wasaaradda dib u dajinta iyo arrimaha Bani Aadamtinimada ee Gobolka Saraar Mudane Maxamed Cawli Caydiid, ayaa sheegay in kormeerkoodu salka ku hayay sidii wax uga ogaan lahaayeen wixii baahiyo ah ee ka jira Kaamamka Barokacayaasha Magaalooyinka Caynaba iyo Wadama’goo, waxna ugu qaban lahaayeen bulshada danyarta ah ee ku jirta kaamamkaasi.