Qore Khadar M .Xaashi
Borama (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka dhabeeya balanqaadyadii xilligii ololaha Doorashooyinka uu la galay bulshada gobolka Awdal, taasi oo uu xusay in 100-cisho ee u horreeya waxqabadkiisa uu fulin doono, kuwaasi qaarkooda madaxweynahu fuliyay.
Balanqaadyadan ayaa waxa ugu waa weyna, jidka isku Baki iyo Borama, iyo dhagax-dhiga Garoonka Diyaaradaha ee magaalada, kuwaas oo uu madaxweynuhu dhagax-dhig iyo bilaabid ku sameeyay, waxaanu xusay in Mashruuca ugu weyn ee dalka muddo-xilkeedkiisu uu noqon doono dhismaha jidka Borama, Fardaha ilaa Lowya-cado.
Geesta kale Madaxweynu waxa uu sheegay in siyaasada xukuumaddiisu ay tahay in mudnaanta kowaad ay siiso arrimaha nabadgelyada, waxaanu bulshada gobolka Awdal ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii loo horumarinlahaa.
Waxaanu Madaxweynuhu sidan ka sheegay kulan uu La-qaatay Madax-da dhaqanka gobolka Awdal iyo Munaasibadihi Dhagax-dhiga Garoonka Diyaaradaha iyo jidka Baki iyo Borama isku xidha, isaga oo fulinaya ballamihii uu waqtigii ololaha u qaaday bulshada reer Awdal.
Waxaanu yidhi. “Balanqaadyadii hore 4 ayay ahaayeen, 4 haddii ILLAAHEY yidhaahdo way ka fulayaan xagayaga, xilligii ololaha waxa aad naga codsateen Mushiinka sameeya Osijiinta magaalada Borama, mushiinkaasi waxaanu balanqaadnay haddii aanu nimaadno in aanu bixin doono, marka waxa naga diyaara in aanu bixin doono waana naga diyaar waxaa idinku wareejin doona wasiirka madaxtooyada.
Balanqaadkii lixaad ay aqoonyaha iyo digtoor Beyle noo keeneen waanu isla eegi doona, wixii la fulin karana in aanu fulino haddii ILLAAHEY yidhaahdo”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay hirgelinta dhismaha Taallada nabada iyo dhismaha Qaranka ee dugsiga Sheekh Cali Jowhar.
Waxaanu yidhi. “Balanqaadka toddobaad, maadaama aad loo xuso taariikhda dugsiga Sheekh Cali Jowhar, dib u heshiisiintii, nabadeyntii iyo tiir u taagistii xukuumadaha Somaliland in raggi halgamayaasha ayaa oo badankoodi dhinteed ALLE haw naxariiste in taallo lagu xuso la dhiso, taasina waanu fulineyna haddii ILLAAHEY yidhaahdo”
Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa bulshada gobolka Awdal la wadaagey qodobadii ay kawada hadleen dowladda Imaaraatka Carabta iyo meelaha xooga lagu saari doono.
Waxaanu yidhi.“Safarkii 1-aad ee aanu ku tagney dalka Imaaraatka waxa aanu ugudbiney codsi balaadhaan, waxaanan filaya in jawaabo khayr badani ka soo noqon doonaan.
Waxaynu leenahay tiirar dhaqaalaheeenu ku salaysan yahay, Dowladda Imaaratka waxaanu ka codsanay in aanu khayraad badan hayno, oo maalgashi, waxaanu la wadaagney waxyaabaha dhaqaalaheenu ku saleysan yahay oo uu ugu mihiisan yihiin xoolaha nool, marka waxaan filaya maalgashi badan, daneeye cusub, iyo sida aynu xoolaha u dhaqano oo la koriyo, oo caafimaadkooda la hubiyo, in aynu maalgashi badan u heli doono”
Dhanka kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ay xukuumaddiisu xooga saarayso, sidii biyaha badda galaya loo qabanlahaa wax soo saarka dalkana mudnaan gaara la siiyo.
Waxaanu yidhi. “Waddankeenu waa hodan, balse biyo la’aan badan ayaa ka jirta, dooxyo badan ayaynu leenahay, biyo badan ayaa mara balse saddex bilood kadib biyo la’aan ayaa dhacda, marka waxyaabaha u baahan inaynu wax ka qabano waxa ka mid ah qabatinka biyaha iyo beeraha oo aan is leeyahay nolosha dalkan wax badan ayay ka beddeli doonaan”
Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay leedahay badan 800-km ah, waxaanu tilmaamay in aan laga faa’ideysan khayraadka ku jira, isla markaana Kalluunka laga xada uu 10-jeer ka badan yahay Miisaaniyada dalka sannadka oo dhan, waxaanu bulshada ka codsaday inay u soojeestaan sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khayraadka badda iyo barrigaba.
Waxaanu yidhi.“Waxaynu leenahay bad balaadhan oo ka badan 800-Km, Kalluunka ka buuxa iyo Khayraadka kale ee ku jiraba kama faa’ideysano, waxa laga yaaba Kalluunka laga xado Somaliland, inuu toban jeer ka badan yahay Miisaaniyadeena sannadkii, haddii laga faa’ideystana bulshadu way wada dhargi lahaayeen, Khayraadka baddana Imaarat ayaa maalgashi ku sameyn doona oo aanu u soojeedinay”
Madaxweynaha JSL, ayaa markii u horraysay ka hadlay Macdanta dihin ee dalka ku duugaan, waxaanu xusay in shidaal ku jiro dalka loona baahan yahay in la helo Maalgashi ku habboon si loo soo saaro, dadkeenuna ay aaminaan khayraadka waddanka, waxaanu intaas ku daray in bulshadu ay xoojiyaan ka shaqaynta amniga si shirkadaha maalgashigu ay u aaminaan nabadgelyada dalka.
Waxaanu yidhi. “Waddankeena Macdan ayaa ka buuxda, dadkeenu itaal badan ma hayaan oo Miishiino yar yar iyo dad aan wali shirkado waa weyn ahayn, kuwaasi ayaa imika khayraadkeena gacanta ku haya, Macdanta iyo Shidaalkuba waa diyaar, waxaa uu ku xidhan yahay shirkaduhu inay aaminaan in dalku ammaan yahay, balse waxa ay xaqiijiyeen in dalku shidaal ku jiro, marka JSL wax badan ayaa laga bedeli kara haddii aynu tacabno, oo innagu is aamino, isla markaana maalgashi saxa la helo,”
Geesta kale Madaxweynu waxa uu sheegay in siyaasada xukuumaddiisu ay tahay in mudnaanta kowaad ay siiso arrimaha nabadgelyada, waxaanu bulshada gobolka Awdal ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii loo horumarinlahaa.
Waxaanu yidhi. “Siyaasada Xukuumadduna waxa ay tahay in nabadgelyo la qaato, isbedela yimaado, baaq ayaanu nabada ka soo saarnay markii aan xilka la wareegay, walina waanu wadaynaa, marka nabada waxa ku xidhan horumarkeena, waxa ku xidhan nolosheena, waxa ku xidhan maalgashiga aynu dooneyno, dalka difaaciisuna wuu ina saaran yahay, waana innagu waajib, balse markasta nabadgelyada ayaynu horaysiineynaa”.