Wuxu ka shaqaynayay wershad qoryaha samaysa oo weyn muddo dheer, markii usoo gaadhay 4o sano wuxu ahaa mid khibrad leh. Subax hore markii uu shaqada soo galay ayuu u ku wargeliyay maamulaha wershadu inuu shaqadii ka eryay isla markaana dood iyo beryo midna loo baahnayn. Wuu iska baxay isagoo cadho iyo murugo ka buuxdo, oo aaminsan in albaabkii kelida ahaa ee risiqiisa la xidhay โ . Waxaana uu yidhi โMarkii ay xoogaygii ku shaqaysteen ayay sidan sameeyeenโ? Wakhti yar ka dib markii uuย gabadhiisa u tegey ee uu sheegay arinka waxay ku tidhi โ dhib ma leh gurigeena ayaan iibnayna oo aan ku ganacsan doonaaโ?ย sidaasi ayuu yeelay waxaana uu markiiย u horeyeey dhisay laba guri oo uu iibiyay markiiba oo macaash ayuu ka helay.
Shan sano ka dib wuxu noqday maalqabeen weyn oo caan ka ah dalka Maraykanka. Ninkaasi waxa lagu magacaaba Wallace Johnson oo wakhtigan dalka Maraykankaย caan ka ah isla markaana dhisay huteelada iyaguna caanka ah ee lagu magacaabo Holiday Inn iyo kuwo kale oo badan. Waxaana uu ku qoray buugiisa xusuus qorka โ hadaan ogaan lahaa ninkii shaqada iga eryay halkuu joogo, waan uga mahad niqi lahaa abaalka uu ii galay. Xaqiiqdii waan murugooday markuu eryay laakiin haddana waxaan fahmay in albaabkii iga xidhmay mid ka waaagsan aan helay.kaasi oo waxtar u yeeshay mustaqbalka naftayda , qoyskayga iyo dunida kaleba.