Maxkamadda Ciidamada Somaliland oo Xukun Dil ah ku Ridaysay Nin Dhawaan Askari ku Dilay Gabiley

0
21

Qore Khadar M .Xaashi

Gabiley (Dawan) Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Somaliland ayaa shalay xukun dil ah ku riday Saalax Isaaq, ka dib markii lagu helay in uu horraantii bishii hore magaalada Gabiley ku dilay Sarkaal Buux Mawliid Ismaaciil.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay xukuno kala duwan oo u dhexeeya 4 sano ilaa 13 sano oo xadhig ah ku riday afar eedaysane oo lagu helay in ay gacan ka geysteen falkaas dilka ah, sidoo kalena laba eedeysane xoriyadoodii ayay dib ugu celisay.

“Danbiile Shibil Saalax Isaaq Muxumed, ina Saado Carab, 25-jir ah, waxa maxkamaddu ku xukuntey dil toogasho ah, 2 Danbiile askari Qaran Cabdilqaadir Maxamed Yuusuf, ina Caasha Cige 25-jir ah, kuna gacan siiyay eedaysanaha kowaad dilka, waxay maxkamaddu ku xukuntay 13 sano oo Xabsi Ciidan ah, 3 Danbiile Barkhad Maxamed Xaaji Barkhad, ina Nimco Faarax, 20-jir ahna dirawalkii Bajaajta, gacana siiyay danbiilaha kowaad, waxay Maxkamaddu ku xukuntay 10 sano oo xadhig ah maadama aanu waxba ka ogeyn shirqoolka, 4 Eedeysane Isaaq Maxamed Xuseen ina Faadumo Axmed, 50-jira, xafiiska xeer ilaalintu waxa u uku guuldaraystay inuu isku xidho hanjabada hore ee uu sameeyay sida maxkamadda laga hor cadeeyay iyo falkan dilka ah ee eedeysanaha kowaad ee uu dhalay uu galay wax xidhiidha oo ka dhaxeeya oo lagu eedayn karo eedeysanaha Isaaq, Maxkamaddan lagama hor cadeyn falka hore ee hanjaabada ah ee uu sheegeyna raaligelintii uu ka bixiyay maxkamadda ayaa loo soo gudbiyay xaqna maaha in markale lagu qaado, arrin dacwadeedu hore maxkamadda uga dhammaatay falkan dilka ahna wax allaale iyo wax lagaga cadeeyay majirto sidaasi darteed maxkamaddu eedeysanahaasi waxay u celisay xoriyadiisa, 5 Danbiile Khubeyd Axmed Muxumed ina Kaltuun Cali, 23-jira kuna eedeysan gacansiinta dilka waxay maxkamaddu ku xukuntey 8-sano oo xabsi ciidan ah, 6 Danbiile Anwar Isaaq Muxumed, ina Saado Carab, 20-jira, kuna eedeysan in uu walaalkii lacagta u diray waxay maxkamaddu ku xukuntey 4-sano oo Xabsi ciidan ah, 7 Eedeysane Mustafe Xuseen Aadan, ina Yurub Cali, 25-jira, ahna ninka iska leh mulkiyada Bajaajta maxkamaddu waxay ku waafaqday soojeedintii xafiiska Xeer ilaalinta iyo Qareenka taaso ahayd masuuliyada mooye inaan wax kale halkan lagaga cadaynin, isla markaasna aanu waxba ka ogeyn falka isagana maxkamaddu waxay u celisay xoriyadiisi iyada oo maxkamaddu cuskatay qodobka 122 xeerka habka ciqaabta guud.

Xukunaddaasi maxkamaddu ridey ciddii aan ku qancin racfaanbay ka qaadan karaan, Bajaajtiina Maxkamaddu way u sii daysay eedeysanaha toddobaad, ciddii aan ku qancin racfaanba u furan”

Sarkaalkan la dilay, oo ka tirsanaa Ciidamada Wado-marista Somaliland, ayaa waxaa dilay ninka xukunka dilka ah lagu riday, oo ahaa darawal bajaaj, ka dib markii ay murmeen.

Doraad ayay sidoo kale maxkamadda ciidamadu ay xukun dil ah ku riday askari magaalada Hargeysa ku dilay nin gaashaale ah, halka qof kale oo gacan ka siiyay dilkaas lagu xukumay 13 sano oo xadhig ah.

Maxkamadda ciidamada ayaa hore u shaacisay in askarigii dila askari kale ama qofkii dila askari isla markiiba lagu xukumi doono dil, iyada oo aan loo dulqaadan doonin.