Qodobo laga soo Saaray Shirweynihii Qaran ee Ilaalinta Deegaanka iyo la Tacaalida Isbedelka Cimiladda Jamhuuriyadda Somaliland

0
26

Iyadoo guud ahaanba caalamku uu la tacaalayo saamaynta xun ee  ka dhalatay isbedelka cimiladda ayaa hadana dalalka dunidda waxa uu mid waliba gaar ahaantiisa u samaystaa qorsheyaal uu ku waajahayo dhibaatdan isbedelka cimiladda.

Xukuumadda cusub ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo wax lagaga qabanayo dhibaatadda ka dhalatay saamaynta taban ee isbedelka cimiladda ee aafeeyay adduunka, iyadoo dhawaan magaaladda Hargaysa lagu qabtay shir arrimahaasi lagaga arrinsanayo.

Shirkaasi oo loogu magac daray shirwaynaha qaran ee ilaalinta deegaanka iyo la tacaalida isbadelka Cimilada, waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Deegaanka iyo isbadelka Cimilada Somaliland, waxaana shirkasi daah-furay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw-cabdi.

Shirwaynaha Qaran ee ilaalinta deegaanka iyo la tacaalida isbadelka Cimilada oo socday muddo laba maalmood ah ayaa ahaa mid lagu gorfaynayay xaalada isbadel ee cimilada Somaliland, taasi oo saamayn ku yeelatay noloshada dad iyo duunyaba.

Wasaaradda deegaanka oo ka duulaysa waajibaadka ay Qaranka u hayso iyo sidoo kale ka qayb qaadashada ilaalinta dhaqaalaha iyo koriinka dalka ayaa daahfurtay shirwaynaha, kaasi oo la rabo maxsuulka ka soo baxa in lagula tacaalo isbadelka cimilada.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa khudbado kala gedisan oo furitaankii shir weynahaasi laga soo saaray iyo sidoo kale go’aamadii laga soo saaray gebagebadii shir weynaha qaran ee isbedelka cimiladda.

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo daah-furay shirka ayaa sheegay in xukuumadu ay mudnaan wayn siinayso horumarinta deegaanka Somaliland iyo wax ka qabashada isbadelka Cimilada waxaanu tilmaamay in waayadii hore aanay bulshadeenu fahamsanayn dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda adduunka.

Haseyeeshee in xukuumad ahaan iyo bulsho ahaan in imika lagu baraarugay saamaynta xun ee ay inagu keentay isbedelka cimiladda, isla markaana haddii aan lagu dedaalin, oo aan lagu tal-ogalin, oo aan laga tabaabulshaysan dad iyo duunyaba in ay inagu dhacayso dhibaato aan laga soo waaqsanin.

Waxasanu yidhi “Adduunyada waa wax ku cusub oo jiray muddo gaaban, wakhtigii uu isbadelka cimiladu bilaabmayna, dalkeena Somaliland fikrad lagama haysanin oo waa la yaabanaa,laakiin hadda waynu aragnaa dhibaatada ay keentay cimilada isbadelaysa. Haddii aan lagu dedaalin oo aan lagu talogalin oo aan laga tabaabushaysana dad iyo duunyaba waxa inagu dhacaysa dhibaato aan laga soo waaqsanin”.

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland bogaadiyay in wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka cimilada Somaliland ay ku dhaqaaqeen hawshan muhiimka ah, iyaga oo awooda saaray gorfaynta wax ka qabashada isbadelka sii xumaanaya ee Cimilada.

“Dawladda Waddani wakhtiga aan joognay ee ay dalka xukumaysay waa muddo laba bilood ah, laakiin ballanqaadkii bay ahayd in boqolka maalmood ee u horeeya in lagu talaabsado wasaraad kastaa ba wixii laf dhabarta u noqon doona barnaamijka hawl-qabadka ee shanta sanadood ah.

Wasaaradda deegaanka oo wasiirku hogaaminayo aad baan ugu bogaadinayaa in ay hawshaasi ku dhaqaaqeen oo ay shirkan muhiimka ah soo qaban qaabiyeen, waxaan rajaynaynaa shirkani in aanu noqon shir la iska furo, laakiin waxaan rajaynaynaa ujeedadii laga lahaa in laga meel gaadho, oo laga midha dhaliyo oo uu noqdo mid bulshada Somaliland Miyi iyo magaalaba anfaca” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in bulshada lagu baraarujiyo wax ka qabashada isbadelka cimilada, maadaama ay saamaynayaan xoolaheena oo laf dhabar inoo ah. Waxaanu yidhi “Waa hawl adag oo aynu u baahan nahay inaynu dadkeena ku baraarujino, iyada oo dhibaatadu ka imanayso xoolaheena, inaga oo ah dad ku dhisan xoolaha boqolkiiba todobaatan in ka badan, cimiladiina ay sidaasi tahay oo maanta durba laba bilood ay gu’gii ka hadhsan tahay oo xoolaha dalka intiisa badan ay dhibaato haysato markaa talogal bay inooga baahan tahay.”

Shirwaynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada ayaa waxa uu ku saabsanaa kor u qaadida wacyiga iyo fahamka Bulshada Somaliland ee dhinaca Deegaanka iyo Cimilada, waxaana intii uu socday waxyaabihii diirada lagu saaray laga soo saaray murtiyeed

Waxaana war-murtiyeedkaasi madashii xidhitaanka shirka laga soo gabogabeeyey ka akhriyey wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire).

Shirkan Qaran ee mudada labada cisho socday ayaa sida wasiir Geel jire war murtiyeedka ka akhrinayey waxaa diirada lagu saaray muwduucyo ay ka mid ahaayeen Horumarinta Tamarta la cusboonaysiin karo, ilaalinta kala duwanaashaha Noolaha iyo maaraynta deegaanka. Waxa kaloo shirka lagu lafa guray sida wasiirku sheegay hab nololeedka Bada iyo ilaalintooda, soo bandhigida hindisayaasha Cimilada.

War-murtiyeedka ka soo baxay Shirkan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

Shirku waxa uu ku baaqayaa fulinta siyaasadaha, Xeerarka, habraacyada, qorshaha laqab siga iyo isbadalka cimilada ee la xidhiidha qorshaha horumarinta Qaranka NDP3. Shirku waxa uu aqoonsaday muuhiimada iskaashiga dawladda iyo ganacsiga gaarka looleeyahay oo ku saabsan hindisayaasha tamarta la cusboonaysiin karo iyo tignoolajiyada lagu tashiilo tamarta si loo yareeyo isticmaalka dhuxusha ee qoysasku istocmaalaan.

Shirku wuxu soo jeedinayaa in la sameeyo daraasad lagu qiimaynatyo dhibaatooyinka ay sibadalka Cimiladu u keento deegaanka. Shirku waxa u uku baaqayaa in la sameeyo istaraatijiyada Qaranka ee lagu badbaadinayo kala duwanaanshiyaha noolaha.

Shirku waxa u uku talo bixinayaa xoojinta iskaashiga hayadaha caalamiga ah ee maal galiya isbadalka Cimilada iyo dhiiri galinta tignoolajiyada cagaaran, kaabayaasha deegaanka u roon iyo hal abuurada u adkaysiga cimilada. Shirku waxa uu soo jeediyey in la sameeyo aagga ilaalinta Badda si loo badbaadiyo kala duwanaanshiyaha noolaha Badda ku jira iyo deegaan xeebeedka iyadoo diirada la saarayo Shacaabiga, Geedka Tikhayga iyo kaydka Kaluunka oo muhiim u ah sugnaanta Cuntada iyo hab nololeedkooda.

Shirku waxa uu soo jeedinayaa barnaamijyada garaad kobcinta Bulshada Rayidka ah iyo wadaagida xogta si loo xoojiyo kartidooda hal abuureed ee yaraynta iyon la qabsiga saamaynta isbadalka Cimilada ee heer Bulsho. Shirku waxa u uku baaqayaa in la beero Hal Milyaan oo Geed dhamadka sanadkan 2025, iyada oo lala kaashanayo daneeyayaasha wada shaqaynta dhaw la leh Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada sida Dawlaha Hoose hay’adaha iyo wixii lamida.

Shirku waxa uu soo jeedinayaa in la xoojiyo nidaamyada digniinaha iyo odoroska fariinta saamaynta ku leh isbadalka iyo masiibooyinka dabiiciga ah. Shirku waxa uu soo jeedinayaa in la sameeyo sanduuq dhaqaale o u gaar ah ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashada saamaynta ay ku yeelato isbadalka cimiladu. Sanduuqan dhaqaale waxa ay u jeedadiisuy tahay in la qaado talaabooyin wax ku ool ah oo lagu daryeelayo deegaanka si loo xoojiyo u adkaysiga iyo la qabsiga isbadalka cimilada.

Shirku wuxu soo jeedinayaa in la helo ciidan la shaqeeya Wasaaradda kaaso oo si gaar ah ula shaqaynaya oo laga soo xulo ciidanka Booliska Jamhuuriydda Somaliland siu u ugala hawlgalo ilaalinta deegaanka oo la dajiyo xarumaha Wasaaradda ee Gobolada Dalka. Samaynta gudiga talabixinta horumarka joogtaysan sida uu Xeerka deegaanku uu sheegayo Qodobkiisa 6aad. Shirku waxa uu soo jeedinayaa in dawladu joogtayso cashuur dhaafka Gaaska LPG ee wax lagu karsado iyo qalabka la xidhiidha Tamaraha kala duwan ee deegaanka la saaxiibka ah.