Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Shir lagaga arrinsanayay kor u qaadista wada shaqaynta iyo xidhiidhka amniga badda ee JSL, oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska amniga badda, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Shirkan waxa ka soo qayb galay wasiiradda, wasaaraddaha arrimaha dibedda, kalluumeysiga, wasiir ku xigeenka degaanka, hanti dhawraha guud ee Qaranka iyo masuuliyiin kale.
Abiib Axmed Xirsi agaasime ku xigeenka xafiiska xidhiidhka amniga badda ee JSL, oo ka hadlay waxaanu sheegay inay jiraan khataro badan oo Somaliland ku gadaamani, kuwaas oo ay ka mid yihiin Budhcad-badeeda, Xuutiyiinta iyo Kalluumeysiga sharcidarrada ah iyo in badda lagu shubi karro waxyaabaha wasakhadda ah, waxaanu xusay in hawl badan ilaalinta baddu u baahan tahay, waxaanu tilmaamay ujeedada shirkan laga leeyahay ay tahay in daneeyayaasha ilaalinta baddu ay meel isugu yimaadan.
Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo horumarinta xeebaha Mudane Cali Jaamac Bureed, iyo wasiir ku xigeenka degaanka Mudane Maxamed Aw Daahir, ayaa sheegay in loo baahan in mudnaanta la siiyo sidii ay isugu xidhnaan lahaayeen wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh ilaalinta amniga badda JSL.
Hanti dhawraha guud ee Qaranka JSL, Mudane Axmed Yuusuf Dirir, ayaa sheegay in ilaalinta iyo sugida amnigu baddu ay tahay arrin ahmiyad weyn leh, isla markaana cidkasta oo ay khuseysa ay tahay in ay xil iska saarto, waxaanu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la fahmo qiimaha ay leedahay badda JSL, balse aan loo arkin kaliya in ay ka mid tahay baddaha adduunka.
Gaba-gabadii wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal), ayaa xafiiska ilaalinta amniga badda uga mahadceliyey soo qaban-qaabinta shirkani, waxaanu tilmaamay in nolosha bulshadu ay dhawaan ku xidhnaan doonto badda, sida ganacsiga, ilaalinta amniga Gacanka Cadbeed, waxaanu intaas ku daray in aanay badda Somaliland ka dhicin qafaalashada Maraakiibta, taasina ay tahay ta keentay in indha caafimaadqaba lagu eego JSL.