Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow), oo ka mid ah madax-dhaqameedka JSL, ayaa sheegay inuu dalka u yimid ka qayb qaadashada hawlaha nabadeynta gobollada barri ee dalka ka socda.
Boqor Cismaan oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Hargeysa, oo muddooyinkii u danbeeyay ku maqna dalka dibeddiisa, ayaa sheegay in gogosha nabadeed ee xukuumadda ee madax-dhaqameedku dhigeen iyaga uga danbeynayo.
Boqor Buur-madow ayaa dalka iyo dadkaba ALLE uga baryay inuu barwaaqo iyo nabadgelyo ka dhigo oo horumara.
Waxaanu yidhi.“Waxaan siweyn ugu mahadcelinaya xukuumadda, oo ugu horeeyo madaxweynuhu, oo simeeqaamsarre leh igu soo dhaweeyay halkan, waxaa kale oo aan umahadnaqaya madax-dhaqameedka, goleyaasha Qaranka.
Waxaan u imid inaan ka qayb qaato hawlaha ka taagan dalka, waxaan dalka ka dhoofey iyada oo berri dagaal ka socdo, hadda xukuumaddu waxay dhigtey gogol nabadeed, salaadiinta JSL, u yeedhay, salaadiinta iyo dowladduna isla qaadatay in barri nabad lagaga shaqeeyo, marka waxaan la mowqif ahay ragga gogosha nabada dhigey, halka laga bilaabayana iyaga garanaya, halka laga dhaqaajinayana iyaga ayaanu uga danbaynaynaa xukuumadda iyo salaadiintii iga horraysay ee gogosha nabadeed ku dhawaaqay.
Waxaan ALLE ka rajjeynaya in dalku nabadgelyo noqdo, in ALLE inoo barwaaqeeyo miyi iyo magaalaba inuu nabadgelyo caama ina siiyo, in arrimaha ALLE inoo sahlo, dowladda iyo bulshadana ALLE inoo barakeeyo”