“Xukuumaddaydu Waxay Qayb ka Noqonaysaa Xal u Raadinta Sababaha sii Kordhiya Tirada Shaqo La’aanta Dalka”

0
22

“Shaqo la’aantu waa dhibaato kordhinaysa sabool-nimada, waxa ay khatar ku tahay amniga guud iyo nabadgelyada dadka,” Madaxweynaha JSL

 “Hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ba waxa ku waajib ah, in dadka shaqada soo doonanaya aan lagu hayb-soocin deegaan gaar ah iyo baahiyo gaar ah oo ay leeyihiin”

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay qayb-ka noqonayso xal-u-raadinta sababaha sii kordhiya tirade shaqo la’aanta bulshada reer Somaliland. Isaga oo si gaar ah uga hadlay heerka shaqo la’aanta dhallinyarada reer Somaliland oo ah tirada ugu badan (70%) bulshada dalka.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu tilmaamay in shaqo la’aantu ay tahay dhibaato sii kordhinaysa saboolnimada, isla markaana ay khatar ku tahay amniga guud iyo nabadgelyada dadka, sidoo kalena ay halis gelinayso nolosha da’yarta; maadaama oo ay ku dhiirrigelinayso tahriibka, balwadaha iyo dhaqannada aan fiicnayn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad qiimo badan oo uu ka jeediyay Shirweynaha 4-aad Heer Qaran ee loo-shaqeeyaha iyo shaqo abuurka oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqada arrimaha bulshada iyo qoyska, kaas oo Madaxweynaha Somaliland si rasmi ah u daah-furay Axaddii dorraad.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ka hadlayay culayska badan ee qaran ahaan innaga haysta heerka shaqo la’aanta iyo dadka tirada yar ee haatan shaqeeya, isla markaana shaqooyinkoodu aan mushaharka ka soo galaa daboolayn baahidooda nololeed ama shaqooyinka qaar ka mid ah aanu shaqeeyuhu isku halayn karin (job security). Waxa uu yidhi “Shaqo la’aantu waa dhibaato kordhinaysa saboolnimada, waxa ay khatar ku tahay amniga guud iyo nabadgelyada dadka, waxa aanay halis gelinaysaa nolosha da’yarta; maadaama oo ay ku dhiirri-gelinayso tahriibka, balwadaha iyo dhaqannada aan fiicnayn. Waa xaqiiqo jirta oo ay tahay in shirkani xalkeeda maanta qayb ka noqdo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in Xukuumaddiisa WADA-JIJR Iyo WAX-QABAD ay qayb ka noqonayso xal u raadinta sababaha sii kordhiya tirada shaqo la’aanta, sabahaasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay ka mid yihiin nidaamka waxbarashada dalka oo ardayda uu soo-saaraayaa aanay lahayn xirfadihii looga baahnaa suuqa shaqada (vocational skills), sidoo kalena ay faro ku tiris yihiin dugsiyada farsamada ee dalka ka jiraa, taasina ay sababtay in shaqooyinka u baahan xirfadda loo raadiyo shaqaale ajaanib ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay in Qaran ahaan iyo ummad ahaan ba ay waajib inagu tahay in loo caddaalad falo u sinnaanshaha fursadaha xagga shaqada ee wiilasha iyo hablaha Somaliland, waxana uu yidhi “Horumar kama hadli karno haddii aynaan xal u helin sinnaan la’aanta shaqada ee wiilasheenna iyo hablaheenna. Haweenka iyo Ragga Jamhuuriyadda Somaliland tiro ahaan way isku dhaw yihiin sida la qiyaasayo, sidaas daraadeed waxa ay Xukuumadu hirgelin doontaa nidaam abuuraya u sinnaanta fursadaha shaqo ee hablaha iyo wiilasha. Taas mid la mid ahna waxa aan ka filaynaa ganacsatada iyo ha’yadaha aan dawliga ahayn.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska uu faray in ay dib u eegis ku sameeyaan nidaamka mushahar bixinta ee dalka oo dhan, si loo hubiyo in aanay kala sarrayn mushaharka haweenka iyo ragga isku shaqada iyo aqoonta ahi. Madaxweynaha oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Hablaha iyo innamadu way u siman yihiin shaqaalaysiinta, Haweenku waa in ay aamin ku yihiin goobaha shaqada oo aanay tacaddi iyo cadaadis u gaar ah kala kulmin. Waxa aannu aaminsanahay haweenka oo fursadaha shaqada iyo maalgashiga si caddaalad ah loogu soo daraa, in ay kordhinayso xawaaraha, iyo xaddiga horumarka dhaqaalaha qaranka, ileen haweenkeennu waa laf-dhabarta nolosheenna.”

Hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo ganacsatadu ugu horreysana waxaa ku waajib ah, in aan dadka shaqada soo doonanaya aan lagu hayb-soocin deegaan gaar ah, iyo baahiyo gaar ah oo ay leeyihiin haddii ay shaqada qaban karaan oo ay fursadaha shaqada ula sinnaadaan muwaadiniinta kale, arrintan fiiro gaar ah ayaan u yeelan doonnaa Xukuumad ahaan.”