Faa’iidyinka Midhaha Tufaaxa!

0
22

Midhaha Tufaaxu waa khudarada caan ka ah caalamka oo dhan, si guudna looga wada isticmaalo. Waa midho dhadhankiisu macaan yahay oo laga helo faa’iidooyin badan.  Tafaaxa kuma jiraan duxda subaga, milixda ama cusbooyinka.

Tufaaxa waxa ka buuxa fitamino kala duwan oo jidhka Aadamiga faa’iido badan u leh sida Vitamin C,  B, kalshiyam iyo kuwo kale oo badan.

Tafaaxu waxa uu xoojiya nidaamka difaaca jidhka waayo waxa ku badan Faytaminka C oo taageera nidaamka difaaca jidhka iyo ka hortagga cudurada kal duwan. Tufaaxu waxa kale oo ku jira macdanta Fiber taasi oo ka joojisa inaad cunto xadh dhaaf qaadato, waxaana ay ka caawisa in miisaankaaga aanu noqon mid xad dhaaf ah.

Darsaado kale duwan ayaa iyagun cadeeyay in tufaaxu ay ka hortagto xanuunada wadnaha iyo weliba kansarka midhicirka. Waxana uu noqday midho aad sanadka oo dhan isticmaali karto.