Taariikhda Xanuunada Iyo Xarumaha Caafimaadka!

0
28

Xarumaha xanuunada Nafsaaniga ah shaqadoodu tahay aya dalalka Yurub ka soo shaac baxay qariniyadii dhexe ilaa qaringi 19aad iyo horaantii qaringa 20aad, waxaana sabab u ahaa aqoonta cilmiga caafimaadka oo liidatay. Xarumahan ayaa ugu horayna ku bilaabmay khuraafaad  iyo inay qaybka iyo maqanaha aan qof iyo kooxi toona war u hayn, ku faanaan inay og yihiin, waxna ka sheegaan.

Bulshooyinka Yurub aya wakhtigaasi aaminsana  in xanuunada maskaxda  ee waalida ah ay sabab u yihiin sixir , shaydaan iyo cadho Allah.   Sebenkaasi dadka saaxiriinta lagu sheego waa la gubi jiray Yurub. Inta badan xanuunada waxa lagu sheegi jiray inuu qofkaasi Jin derderay ama la sixray, xarumaha lagu daweeyaana waxa ay ahaayeen goobo lagu ciqaabo bukaanada.

Horumarka dhabta ah ee caafimaadka waxa uu ahaa mid aan gebi ahaantiisba jirin. Markii uu soo baxay kacaankii wershadaha wax uu noqoday mid sare u qaaday saami weyna ku laha xanuunada maskaxda ee nafsaaniga ah iyo isku buuqa oo aad u batay (stress) ka dib markii ay shaqoyinkii aad u cuslaadeen oo ay noqdeen kuwo dhib badan, isla markaana uu aad u yaraa dakhliga qofka shaqaalaha ah la siinayay, waxaana ay iska ahaayeen dadku adoomo.

Taasi oo wakhtigaasi horseeday  in Yurub laga  furo goobo badan oo cusub oo la sheegay in lagu dawaynayo xanuunada maskaxda iyo dadka jimanka iyo shayaadiintu derdereen.

Waxa kale oo soo baxay aragtiyo cusub oo cilmi nafsiga ah kuwaasi oo ku dhisan kuna salaysan tijabooyin cilmi ah.

Dhinaca Maraykanka waxa kordhay  xanuunada dhimirka ka dib dagaalkii sokeeye ee 1861-1865 Dagaaladuna sida lagu yaqaan kuma kooban oo keliya dil iyo burbur, laakiin waxa ay ka tagaan dad badan oo ay ku dhacaan xanuuno nafsaaniya oo ka soo gaadhay dagaaladaasi ay goob jooga u ahaayeen.

Sidaas darteedna xukuumadda ayaa dagaalkii markii uu dhamaaday curisay goobo dhawr ah oo dadka qaba xanuunada maskaxada lagu daweeyo. Mid ka mid ah xarumhaasi ayaa laga dhisay Ohio meel u dhaw magaalada Athens ee Maraykanka. Dhismaha xaruntan ayaa socday muddo lix sano 1868- 1874, waxaana loo bixiyay magaca “ Athens Lunatic Asylum”.

Guud ahaan caalamka Goobaha aanay weli ka jirin horumar caafimaad waxa jira kooxo weli ku shaqaysta in qof kasta oo buukaan loo geeyo ku sheega inuu yahay mid ay shayaadiin iyo jiman derdereen isla markaana ciqaab iyo jidh dil u geysta iyagoo ku doodaya in ay garaacayaan Jinka ku jira ee aanu ahayn qofka waxa ay garacayaan.

Garaacidaasi maaha mid uu raumaysan karo qofka caqliga iyo xikmadda leh, waayo ma jirto sabab cilmi ah oo uu kugu qancinayo ama daliil diiniya oo cadaynaya inuu yahay waxa uu garaacaya Jin ama shaydaan.  Shaqo la’aanta, guur la’aanta iyo nolosha adag ee saboolnimadu dhamaanteed waa kuwo horseeda xanuunada nafsaaniga ah  iyo isku buuqa qofka ku dhaca.  Werwerka ka dhashaa nolosha adag waxa Islaamku ku daweeyay inuu qofku Allah (sw) isku xidho oo cabsida iyo cibaadada joogtada ah, waayo Allah (sw) oo keliy ayaa dhibta qofka ka qaadi kara, hadday tahay xanuun, Fakhri, guur la’aan iwm.